Bolivia oo Noqotay Dalkii Saddexaad ee Magan-gelyo siyaasadeed ugu yabooha Basaaska Maraykanka ka Fallaagoobay ee Edward Snowden

Moscow (SLpost)- Ninka Maraykanka ka falaagoobay ee Edward Snowden oo hore uga soo shaqeeyey hay’adda Sirdoonka ee CIA-da, muddooyinkii u dambeeyeyna ku sugnaa dalka Ruuska, ayay sii kordhayaan wadamada ugu yaboobay inay Magangalyo siiyaan.

Waddanka Bolivia oo ku yaala Laatin Ameerika, ayaa noqday wadankii saddexaad ee caddeeya inay diyaar ula yihiin Magangalyo siyaasadeed inay siiyaan khabiirkan dhinaca wardoonka ah oo la ogsoon yahay in lagu qarinayo Madaar diyaaradda ee magaalada Moscow.

Wadamada Nicaragua iyo Venezuela ayaa hore iyagu u shaaciyay inay diyaarka ugula yihiin ninkan wadankiisu baacsanayo ee Snowdan inuu wadamadooda qoxootinimo ku joogo. “Waxaan doonayaa inaan halkan uga cadeeyo Reer Yurub iyo Maraykankaba, Inaanu doonayno inaanu magangalino ninkan Maraykanka ah (Snowden) ee wadankiisu baadi goobayo haddii uu na soo waydiisto, wax cabsi ahna kama qabno,” sidaa waxa shalay wargeyska Financial Times u sheegay Madaxweynaha Bolivia, Evo Morales.

SNOWDEN
BIDIX: Madaxweynaha Bolivia iyo Edward Sowden

Snowden ayaa In ka badan 20 wadan u dirsaday dalabka Codsi Magan-gelyo, iyadoo badi wadamadu diidmo ugu jawaabeen, halka qaar kamid ahi jawaab ugu soo celiyeen ninkan qandaraasle-nimada ugu soo shaqeeyey wakaalada sirdoonka Maraykanka inuu marka hore ciidda wadamadooda soo caga-dhigto ka hor inta aanu waraaqaha codsiga noocan ah soo gudbisan.

Subaxnimadii hore ee shalay, Madaxweynaha wadanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku dhawaaqay In dalkiisu magan-gelyo siyaasadeed ula diyaar yahay Snowdon. “Sumcada Ameerika anigoo ka duulaya, waxaan go’aan ku gaadhay inaan siiyo Magan-gelyo binu-aadanimo mudane Edward Snowden,” ayuu Maduro yidhi, isagoo ka hadlayay dhoolatus millatari oo wadankiisu ku xusayay maalintii xoriyada, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Sida lagu baahiyey Sky News, maalintii Jimcaha, Madaxweynaha Nicaragua, Daniel Ortega  waxa uu sheegay in wadankiisu Snowdon ku qaabilayo si qalbi furan leh.

Arinta sii cadho gallisay wadamada Badhtamaha iyo koonfurta Qaarada Amerika ku Yaala ee magan-gallinta Snowdon ku yaboohay, ayaa dabada ku haysa khal-khal siyaasadeed oo ka dhashay kadib markii todobaadkii aynu soo dhaafnay diyaarad siday Madaxweynaha Bolivia Morales oo u socotay caasimada La Paz wakhti ay ka yimaadeen shir ka dhacay caasimada Ruushka ee Moscow, lagu qasbay inay fadhiisato caasimada Austeria ee Veina si looga baadho  Snowden oo loo maleeyey in lagu soo dhex qariyey safarka, sida ay baahisay wakaaladda wararak ee Reuters, arrintaas ayaana keentay in wax yar kadib uu Morales ku dhawaaqo in falkaasi ahaa Mid muujinaya nacaybka Qaarada (Laatiin Amerika) loo hayo.

Snowden ayaa safar diyaaradeed ku yimid Ruushka isagoo ka soo kicitimay Hong Kong bishii June 23 keedii. Dowlada Maraykanka oo markaas xayirtay Passbor-kiisiina waxay keentay inuu ilaa xiligaas wixii ka dambeeyey go’doon ku dhex ahaado qaybta Transit-ka ee Madaarka caasimada Ruushka ee Moscow.

Ruuska ayaa ka mid ahaa wadamada codsiga magangalyo ka hayay Snowdon, laakiin waxa uu dib ugala noqday waraaqihii codsigiisa kadib markii Madaxweyne Vladamir Putin sheegay inay magan-galyadiisa aqbalayaan kaliya haddii Snowdon uu joojiyo shaqada uu ku waxyeelaynayo wax uu ugu yeedhay Xulafadayada Maraykanka.

SOMALILANDPOST.NET