Boko Xaraam oo Isa Sii Balaadhinaysa

 

Nigeria(SLpost)-Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in ururka jihaad doonka ah ee Boko Xaraam uu doonayo in uu balaariyo goobaha uu ka hawlgalo.

Goobaha ay bartilmaameedsanayaana ay kam mid tahay magaalo madaxda ganacsiga ee Lagos.Dawladu waxay sheegtay in ay tiro dad ah ka xirxireen magaalada Lagos iyo goobo aad ooga fogfog meelaha ay caadiyan uga hawl galaan Boko Xaraam, xiritaankaasina uu dhacay tan iyo bilawgii bishii todobaad.

Booliiska dharcadka ah ee Nigeria ee loo yaqaano DSS, ayaa magacaabay 12 ruux oo ay sheegeen in ay xubno ka yihiin Bookoo Xaraam ayna ku sugnaayeen magaalad Lagos.Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa la sheegay in ay diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Suurtagal ma aha in si madax banaan loo xaqiijiyo wararkaasi.Booliiska DSS looyaqaano waxay sheegeen in isku daygan is balaarinta ah ee Boko Xaraam uu salka ku hayo cadaadiska ka haysta gobolka waqooyi bari, weerarada ay ururku ka wadaan gobolkaasi ayaase wali sii socda.