Bogagga Taariikhda: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii – Qaybta 5aad

hg“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,

(Light at the end of the tunnel)

Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa: 27/5/2015ka

Qormada: 5aad

Shirweynahaa 6aad ayuu Ibraahin Meygaag Samatar isu sharraxay jagadii Guddoomiyaha ururka SNM, taas oo aanu ku guuleysan. Intaa ka dib ayuu Shirweynihii 6aad u doortay Ibraahin Meygaag Samatar jagadii Guddoonshaha Golaha Dhexe oo markii ugu horreysay cid gaar ah loo magacaabay. Maa-daama a7 jireen Guddoomiyaha Ururka SNM iy Guddoomiyaha Guddida Fulintu, waxa Shirweynahaas lagu go’aansaday in xilkaas loogu wan-qalo Guddoonshaha Golaha Dhexe.

Dhaqankii SNM-ta marka la raaco Guddoomiyaha SNM waxa kale oo uu isku hayn jiray xilalka kala ah: Guddoomiyaha SNM, Guddoomiyaha Golaha Dhrexe, Guddoomiyaha Guddida Fulinta iyo mararka qaarkood oo weliba loogu dari jiray Xoghayaha ciidammada xoreynta ee SNM. Dhaqankaasi ma ahayn mid fudeyd, qof-jeclaysi iyo lab-la-kac ku yimid, bal se wuxu ahaa mid aad looga fiirsaday oo lagu go’aansaday Shirweynayaashii ururka, gaar ahaan Shirweynihii 4aad ee 1984kii oo arrintaasi ajende noqotay, cod aqlabiyad ahna lagu guddoonsaday in ay xilalkaasi mideysnaadaan. Sidaas waxa loo yeelay si aanay midnimada SNM u wiiqmin isla markaana aanay u samaysmin dhowr xarumood oo lagu kala feylaa. Shirweynahan 6aad ayay SNM aqoonsanaysaa in awoodaha la qaybiyo, maa daama lagu soo dhawaaday xoreyntii dalka isla markaana xilalka qaarkood beylaheen. Dhibaatada ugu weyni waxay ka dhacday Guddoomiyihii oo kala jeclasyaty Golihii Dhexe iyo Guddiddi Fulinta. Waxa waayo-aragnimo lagu yiqiinsaday in uu Guddoomiyihii u janjeedhsaday ama u xagliyayba dhinacii Guddida Fulinta, sidaana ku takooray Golihii Dhexe oo isagana Guddoomiye u ahaa. Sidaas ayaa lagu sameeyay Guddoonshaha Golaha Dhexe.

Ibraahin Meygaag Samatar wuxu guddoominayay kal-fadhigii Golaha Dhexe ee SNM ee ku qabsoomay magaalada Burco bishii Meey 1991kii, halkaas oo lagu go’aansaday la-soo-noqoshadii madaxbannaanidii Somaliland isla markaana lagu soo dhisay Xukuumaddii ugu horreysay ee Somaliland oo uu Madaxweyne ka noqday Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Madaxweyne-ku-xigeenna uu ka noqday Xasan Ciise Jaamac. Waxa la soo dhigay talooyinkii ama soo-jeedintii 6da Qodob ahayd ee ka soo baxay Shirweynihii walaalaynta beelaha woqooyi ee Guurtidu isugu timid.

 

Shirweynihii Guurtida ee Boorame wuxu furmay bishii Maarj 1993kii iyada oo uu Ibraahin Meygaag ahaa Guddoonshihii Golaha Dhexe ee SNM. Ibraahin Meygaag Shirweynihii oo socda ayuu Boorame ka yimid waxaanu Hargeysa uga ambo-baxay dalka Mareykanka bishii Noofambar 1993kii oo aanu is-raacnay. Waxaanu ka wada qaub-gelaynay Shir lagu magacaabo ‘Somali Studies’ oo halkaa ka socday. Dalka Canada ayaanu u wada gudubnay, ka dibnaa sidaas ayuu Japan ku tegay, aniguna aan Hargeysa macaan ugu soo noqday.

Intaa haddii aan kaga baxo taariikhdii Ibraahin Meygaag Samatar oo kooban, bal hadda aynu cabbaar ku nasanno oo ku raasukhno qoraalladiisii taariikhiga ahaa.

ibraahim maygaagBal immikana aan daalacanno sida uu Ibraahin Meygaag Samatar isugu qaddimayo qoraal uu bishii Ogos 2010kii oo uu soo saaray maalmihii uu isu diyaarinayay in uu dalka ku soo noqdo oo ku suntanaa: “Halka aan taagnahay,” waxaanu qoray Mujaahid Ibraahin isaga oo magaalada Tokoyo ee dalka Japan ka soo dawinaya. Wuxu qoray:

“Waxa aan ahay anigu Ibraahin Meygaag Samatar. Sagaal sannadood ayaan Wasiir u ahaa nidaamkii Siyaad Barre, markii dambena sannad ayaan Safiir uga ahaa dalkii Jarmalka aniga oo fadhigaygu ahaa magaalada Boon. 1981kii ayaan ka goostay nidaamkii Siyaad Barre oo aan magan-gelyo siyaasadeed ku degay dalka Maraykanka. Dhowr sannadood ka dib ayaan xubin fir-fircoon ka noqday dhaqdhaqaaqii gobannimo-doonka ahaa ee lagaga soo hor-jeeday nidaamkii digtatooriga ahaa, aniga oo ka mid noqday hoggaamiyayaashii ururka SNM. In kasta oo ay hawshayda rasmiga ahi ahayd wakiilnimada SNM ee woqooyiga Maraykanka, haddana waqtigaygii intii badnayd waxaan ku qaatay jiidaha hore ee dagaalka aniga oo la joogay Mujaahidiintii dagaallamaysay iyo odayaashii arriminayay. Intii halgankii hubeysnaa lagu jiray, ammintii aan ugu farxadda iyo reyn-reynta badnaa waxa ay ahayd 18kii Meey 1991kii iyo magaalada Burco markii aniga oo ahaa Guddoonshihii Golihii Dhexe ee SNM, aan si rasmiya ugu dhawaaqay go’aankii taariikhiga ahaa ee shacbiga Somaliland kula soo noqdeen madax-bannaanidoodi, laguna dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland.”

Malahayga halkani hakad ayay u baahan tahay. Sida Ibraahinba sheegay magaaladu waa Burco iyo 18kii Meey. Ammintu waa gelin dambe oo salaaddii casar la soo tukaday. Madasha Shirku ma ay furnayn oo qedo iyo nasasho ayaa lagu jiray. Baabuur badnayd tekniko ah oo baabuurka cas ee dab-demiska madaarka Berbera hor kacayo ayaa nagaga yimid xaggaa Berbera. Magaaladii oo dhan ayay dhex qaadeen oo dadkii oo dhan soo kaxaysteen. Wixii dad iyo gaadiid Burco joogay iyaga oo wata ayay goobtii ama madashii shirka yimaaddeen. Buuqa iyo sawaxnka waad yaabtaa. Madashii ayaa la isku xeeray oo qoryihii teknikada iyo taangiyada daaqadaha laga soo geliyay.

Ibraahin Meygaag Samatar ayaa dadkii dibadda ugu soo baxay si uu ula hadlo. Bal haddaba yaa aammusiin. Buuqii iy qayladii ayaa demi waayay. Chief Caaqil Maxamed Daahir oo goobta joogay ayaa makrifoonkan yar ee gacanta qaatay oo baabuur ‘Cresida’ ah oo meesha taagnaa dusha ka fuulay. Saddex jeer ayuu ku celiyay ballaysinkii SNM ee shirarka iyo kulammada ee ahaa: “Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar.” Dadkii qamaamayayna waa ay ka daba yidhaahdeen.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

HALKAN KA AKHRISO QAYBIHII HORE

QAYBTII 4AAD

QAYBTII 3AAD

QAYBTII 2AAD

QAYBTII 1AAD