Bogagga Taariikhda: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii – Qaybta 10aad

hg“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,

(Light at the end of the tunnel)

Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa: 2/5/2015ka

Qormada: 10aad

 

“Arrintii mideynta gobolladii Soomaaliyeed waxa ay noqotay mid ka suuro-geli weyday fagaarayaashii caalamiga ahaa – malahayga uma baahnin in aynu arrintan ku sii dheeraanno oo waa la wada ogsoon yahay.

Maanta Jabuuti waa dal madax-bannaan. Soomaalida Kiiniya iyo Soomaalida Itoobiyaba waxa ay dedaal ugu jiraan sidii ay xuquuqdooda iyo nasiibkoodaba uga heli lahaayeen dalalka iyo dadyowga ay ku dhex nool yihiin. Markaa waxa hadhsani waa midowgii Somaliland iyo Soomaaliya oo keliya. In kasta oo ay Somaliland 1960kii ka hor xidhiidho ganacsi la lahayd Jabuuti iyo Itoobiyaba, haddana waxay ka door-bidday in ay la midowdo Muqdisho si ay u xaqiijiso midnimo intaa ka sii ballaadhan. Midowgii Hargeysa iyo Muqdisho wuxu noqday mid aan la mahadin, mana ay ahayn in uu sidaa noqdo ama loogu hungoobo. Midnimada waxa la xaqiijiyay iyada oo aan si fiican looga wada hadlin, isla markaana laguma salayn oo laguma qotomin dhidibbo si adag u taagan. Eeddaa waxa iska lahaa dadkii iyo hoggaankii Somaliland ee hawshaa galay.

Midnimadaasi waxay ku bilaabantay sinnaan-la’aan Somaliland loola dhaqmay gobol mus-dambeed ah tan iyo bilowgii, iyada oo aan marna loo arkin ama aan loo qaddarinba dal ku darsamay dal kale oo madax-bannaanidiisii u sadqeeyay midnimo Soomaaliyeed oo intaa ka mug weyneyd.

Maa daama nidaam dimuqaadiya lagu dhaqmayay dadku waxay aamminsanaayeen in maalin uun sida roon ama toganba wax isu beddeli doonaan. Bal se markii ay millaterigii taladii dalka qori ku maroorsadeen, waxa markiiba bilaabantay marxalad ahayd dib-u-gumeysiga Somaliland tan intii jilbaha loo dhigayay nidaamkii keli-taliska ahaa, marxaladdaas oo ku qasabtay nidaamkii dalka ka talinayay in uu ku tallaabsado: cadaadis, cabbudhin, burburin iyo xasuuq aan cidna loo aabo-yeelin.

Markii ay xaaladihii halkaa gaadheen waxa lama-huraan noqotay in nidaamkii Siyaad Barre lagaga hor tago xabbad caaradeed. Babac-dhiggii iyo kacdoonkii dadweynuhu wuxu guuleystay 1991kii oo nidaamkii Siyaad Barre la burburiyay. Sidaas ayay Somaliland kula soo noqotay madax-bannaanideedii iyada oo dib isu dhisaysa, Soomaaliyana gunta u gashay fowdad iyo qalalaase hubeysan, kooxaysan oo aan talo iyo maaro midna loo hayn.

Waxa loo baahan yahay in la qabtaa ama la yeelaa waa:

  • Somaliland waa in ay ku adkaysataa mowqifkeeda iyo go’aankeedaba,
  • Soomaaliya dariiq kale oo u furani ma jiro oo aan ahayn in ay madax-bannaanida Somaliland aqbalaan oo ay aqoonsadaan,
  • Marka ay Soomaaliya halkaa soo gaadho, labada dawladood waa in ay saaxiib noqdaan oo ay si walaalnimo ah uga wada tashadaan aayahooda iyo xidhiidhada ay yeelanayaan. Intaa ka dib labada dal waa in ay ka wada shaqeeyaan sidii is-kaashi wax-ku-ool ah looga hirgelin lahaa gobolkan Geeska Afrika.
  1. Arrinta aqoonsi-raadinta:

Ibraahin Meygaag Samatar, haddii uu intaa yidhi, isaga oo aanu weli qalinkiisii engegin ayuu u dhaqaaqay xaggan iyo aqoonsi-raadintii Somaliland oo ah mowduuc aynu ku wada hadaaqno. Run ahaantii qayb gaar ah kgama dhigin dhigaalkiisa taariikhiga ah bal se markii uu qodobkaa hore dhammeeyay ayuu kanna dareeriyay. Ibraahin Meygaag Samatar si deggen oo dhumuc iyo qotonba leh ayuu mowduucan u abbaarayaa, waxaanu qoray:

“Xukuumadihii u kala danbeeyay maamulka Somaliland intii tamartooda ahayd aad ayay ugu dedaaleen in ay aqoonsi ka helaan beesha caalamka. Dadweynaha qudhiisu dedaalkaa taxanaha ahaa kama maqnayn. Arrintan aqoonsi-raadinta ee aynu heshiiska ku wada nahay si aynu uga ilaalinno in ay noqoto wax ay ku murmaan iskuna seegaan inta loollanka siyaasadeed ku jirtaa, waxaynu u baahan nahay in aynu innaga oo gacmaha is-haysanna u wada guntanno haddii aynu nahay: Fulinta, xeer-dejinta, xisbiyada siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah dhammaanteed. Waa geeddi-socod hore u bilaabmay oo mudan ama u baahan oo keliya in aynu rasmiyayno oo dhisno.

Geeddi-socodkan oo ay tahay in fulinta ama xukuumaddu hagto oo hoggaamisaa, inoo suurto-gelin maayo oo keliya in aynu qorshayaal ka yeelanno dalalka aynu u aragno muhiimka ama ahmiyadda inoo leh; bal se waxa uu inoo oggolanayaa in aynu goob-joog ka noqonno madal kasta oo caalamiya ama goboleed oo lagu gorfeynayo arrimaha Soomaaliyeed, innaga oo aan qayb ka noqonayn ama ka ahaynba dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Ilaa maantadaa aynu joogno dadku shaki iyo bayrba waxay ka qabeen in madaxdeennu wax aan lala ogeyn ay galaan, taas oo wiiqaysa madax-bannaanida Somaliland. Sidaa darteed ayay xukuumadihii talada dalka u kala dambeeyay uga dhowrsadeen ama uga gaabsadeen in ay codadkeenna iyo dareemmadeenna geeyaan fagaarayaasha caalamiga ah.

Qaabkan cusub ee wadaagga ah ee loo dhan yahay ee aan kor ku soo jeediyay, ee wada-jirka lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland, waa in uu noqdaa hab lagaga xoroobayo shakigan ina curyaamiyay. Waxa kale oo uu qaabkan cusubi inoo oggolaanayaa in aynu Soomaaliya gudaheeda ku yeelanno saaxiibbo qadiyaddeena taageera. Goorta iyo haddii ay fursaddu timaaddaba, waxa aynu gacan ka geysan karnaa dibuheshiisiintooda. Waxa kale oo ay tani soo deddejinaysaa aqoonsigeenna. Waxaan amminsanahay in ay Somaliland soo gaadhay heerkii ay cabsida iyo saskaba kaga xoroobi lahayd.”    

Hadda waa intii ka horreysay nidaamkan maanta dalka ka taliya ee la ambaday qaddiyaddii madaxbannaanida iyo aqoonsi-curintiiba. Ibraahin markii uu intan qorayay ma uu ogeyn ta maanta taagan iyo sida la isugu milmay.

  1. Dimuqraadiyadda:

Bal hadda immikana aan ku yar hakanno aragtida Ibraahin Meygaag Samatar ee ku saabsan dimuqraadiyadda, waaxanu qoray:

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

HALKAN KA AKHRISO QAYBIHII HORE

QAYBTII 9AAD

QAYBTII 8AAD

QAYBTII 7AAD

QAYBTII 6AAD

QAYBTII 5AAD

QAYBTII 4AAD

QAYBTII 3AAD

QAYBTII 2AAD

QAYBTII 1AAD