Bixinta Kaadhadhka Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Maanta la Bilaabay Iyo Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Xulashada Liiska Ergada ka qayb-galays

 

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiye xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in saaka ay bilaabmatay diwaangalinta golaha dhexe ee Kulmiye, si ay uga qayb qaataan shirka golaha dhexe ee 10-ka bisha dambe la qaban doono “Saaka oo sabti ah waxaa xarunta xisbiga Kulmiye ka bilaamay diwaangalinta(kaadhadh samaynta) xubnaha golaha dhexe ee ka qayb galaya shirka 10-ka bisha bilaamaya. Inkasta oo siyaabo kala duwan loo sheegay haddana had iyo jeer marka shir la galayo dadka ka qayb galaya waxa loo sameeyaa aqoonsi, waxa la samaynayaana waa aqoonsigaas,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Guddoomiye xigeenka Kulmiye waxa uu sheegay in la hubinayo xubnaha golaha dhexe islamarkaana qofkasta oo la diwaangalinayo la hubinayo inuu yahay ka saxda ah ee liiska ku jira “Waxa kale oo aan doonayaa inaan dadka u sheego liiska golaha dhexe ee Kulmiye, waa tii shirweynahayagii kadib khilaafku na soo dhexgalay, waa tii guurtidu na soo dhex gashay , liiskan golaha dhexe waxa saxeexay guddoomiyihii shirweynaha oo wasiir Cadami ah iyo lix xubnood oo shirka la guddoominayay. Koobi kasta oo liiskan ahi waa uu saxeexan yahay. Liiskani wuxuu yaalaa Maxakamadda sare, xeer ilaalinta, waxa uu yaalaa guddida diwaangalinta ururada siyaasiga ah iyo xisbiyada, wuxuu yaala Komishanka doorashooyinka, wuxuu yaalaa guddidii guurtida ee ka gar naqday,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Guddoomiye xigeenka Kulmiye, wuxuu sheegay in golaha dhexe ee Kulmiye lagu soo galo xil ama degaan(hab beeleed), waxaanu sheegay in xubin kasta oo golaha dhexe ah oo ka baxda ay soo buuxinayaan degaannada ama beelaha ay ka soo jeedaan, waxaanu ku dooday inaanay jirin cid kale oo awood u leh bedelaada boosaska bannaanaada.