Bisaylka ka muuqda Siyaasadda Somaliland waa Sax, Laakiin? – By Xuseen Kurdi

Iyadoo mudooyinkan dambe uu bisayl ka muuqdo siyaasadda Somaliland gaar ahaan dhinaca Arimaha dibada ayaa qormadeenan waxaynu ku eegaynaa muuqaalka uu leeyahay bisaylkaa siyaasadeed iyo waxyaabaha ay tahay inaanay ka hadhin hawlaha la qabanayo xiligan.

Somaliland oo ka duulaysa guushii shirkii London ay kala soo hoyotay ayaa intii aanay ka qayb gelin shirkii Istanbuul waxay qadiyadeeda u sharaxday baarlamaanka Midowga Yurub oo aanu xubin ka ahayn dalka Turkigu.

Wefti  isku dhaf ah oo uu hogaaminayey gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa baarlamaanka midowga yurub oo ku shirayey xaruntooda Magaalada Brussels, Bilgium waxay hordhigeen qorshaha siyaasadeed ee Somaliland xiligan ku socoto iyo barnaamijyada lagu gudo jiro hirgelintooda sida doorashooyinka Dawladaha Hoose oo ay u tartamayaan sadex Xisbi qaran iyo Lix urur siyaasadeed, waxana weftigu la gaadhay reer Yurub isfaham ku saabsan qaabka ay Somaliland uga qayb gashay Kulankii Istanbuul.

Biseylka kale ee ka muuqda Siyaasadda Somaliland xiligan waxaa ka mid ah sida ay Somaliland madaxa ugu salaaxday dawlada Turkiga iyo sida ay madaxda Dalkaasi u qaabileen weftiga Somaliland, qaabka ay shirka uga qayb galeen iyo dareenka ay la soo noqdeen oo ah mid ku qotoma in mar kale la sii xaqiijiyey sida ay labo u kala yihiin Somaliland iyo Somalia oo wadahadal dhexmarana la sii dhiirrigeliyey.

Biseylkan aynu iftiiminayno waxaa kaloo laga dheehan karaa Socdaalka weftiga Madaxweyne ku xigeenku ku tageen dalka jabuuti, Socdaalkan oo lagu beegay intii lagu gudo jiray kulankii Istanbuul ayaa marka laga reebo ujeedooyinka laga lahaa oo u badnaa sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac gaar ahaan dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo diblumaasiyadda iyo weliba safaaradii Somaliland ee jabuuti oo si rasmi ah loo furayey ayaa dhanka kale waxaa la odhan karaa  Somaliland waxay socdaalkan u isticmaashay inay ugu muujiso beesha caalamka gaar ahaan wufuudii fadhiday Istanbuul  inay Somaliland tahay dal hore u meel mariyey madaxbanaanidiisa iminkana ku gudo jira sidii uu u hagaajin lahaa xidhiidhka dibada, safaaradana uga furan lahaa wadamada qaarkood.

Sida ay Somaliland u soo jiidatay Jabuuti ayaa la odhan karaa waa talaabo kale oo muujinaysa bisaylka siyaasadeed ee Xiligan muuqda, ka hor muddo afar iyo labaatan saacadood ah oo keliya socdaalkii weftiga Madaxweynaha ayaa dawladda Somaliland waxay labo wefti oo ka kala socda xukuumadda iyo guurtida waxay u dirtay Gobolka Salal ee JSL oo dhaca xuduuda Somaliland iyo jabuuti, waxana labada dhinacba ay ka hawlgaleen sidii wax looga qaban lahaa dhinacyada  kaabayaasha nolosha bulshada ee gobolkaasi sida caafimaadka, Biyaha la cabbo ee saafiga ah, waxbarashada iyadoo gaar ahaan awooda la saarayey  magaalada Saylac  oo uu ku yaallo Masjidka Qiblataynka oo sidoo kale badhtamahii qarnigii 19-aad ahaan jirtay xarunta isku xidhka maamuladii hoos tegi jiray dawladii cismaaniyiinta ee Turkiga ee caasimadiisu ahayd magaalada Istanbuul lafteeda.

Gurmadka ay Somaliland u muujisay dadweynaha Saylac waxuu ka hortag u ahaa cabasho ka iman karaysay jabuuti oo ah in dhibaatooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca gobolka Salal ay culays saaraan dalkeeda, waxana la ogyahay in gobol xeebeedkaas salal aanay helin roobabku muddo labo sano ah sidoo kalena uu hadda baaqday xayskii Gu’a ee sanadkani.

Martiqaadka la hadal hayo ee dawladda Kenya u fidisay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo hadii uu qabsoomo waxuu qayb ka noqon karaa sida ay Somaliland ugu dadaalayso adkaynta xidhidjka wadamada gobolka , gaar ahaan dalalka IGAD oo dhawaan xubin sharaf u ogolaaday jamhuuriyada Somaliland.

talaabooyinkaa dhinaca siyaasadda dibadda ee la qaadayo oo soo dhawayn kala kulmay shacabka Somaliland ayaa ah kuwo sax ah, laakiin ay lama huraan tahay inay la socdaan qorshayaal kale oo dhinaca gudaha Somaliland ah oo lagu xalinayo arimaha ka jira gobolada bariga Somaliland iyadoo ay hubaal tahay haddii la geliyo dadaal iyo waqti la mid ah ka aynu kor ku xusnay in guul iyo is afgarad laga gaadhayo wax kasta oo loo dejiyo oo ah qorshe ku dhisan wadahadal iyo isu tanaasul dhexmara dawladda iyo ururada bulshada ee goboladaasi, si aanay u kala habsaamin umadda Somaliland dhexdoodana looga saaro waxyaabaha tabashooyinka ah ee ku jira.

Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)

xuskurdi@gmail.com