Bilowga Wejiga labaad ee Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya iyo Guddidii u metalaysa Qaranka oo maanta u Amba-baxay Istanbul

Berbera (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar,  ayaa maanta u ambabaxay waddanka Turkiga oo ay kaga qayb-galayaan wejiga labaad ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo Maalinta Axadda ah ka furmaya magaalada Istanbul.

Weftiga Guddida wada-hadallada u metelaysa Somaliland oo ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Bare (Garad), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha wakiilada Xildhibaan Xuseen Axmed Cigge,  Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) oo isagu aan wax xil ah ka haynin xukuumadda, ayaa shalay gelinkii dambe ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Istanbul oo Turkiga oo Berri uu uga furamayo wejigii labaad ee wada-hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya.

guddidaWasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan oo warbaahinta kula hadlay madaarka, ayaa  yidhi, “Madaxweynaha ayaa qorsheeya Guddiyada baxaya ee Qaranka, markaa  Madaxweynuhu waxa uu u qorsheeyay inay saddexda Gole ka qeyb galaan wada-hadalka. Waxa maraya Golihii Xukuumadda oo ay saddex Wasiir ka marayaan iyo labadii Gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) oo ay sadex xubnood ka marayaan.”

Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee arrimaha debada Somaliland ahna immika Wasiirka cusub ee Wasaarada ganacsiga Dr. Maxmed Cabdillaahi Cumar oo sheegay inay wada-hadaladani ay muhiimad wayn u leeyihiin Samaliland.

weftigaBilowga Wejiga labaad ee Wada-hadallada oo xambaarsan ubucda iyo muhiimadda wada-hadallada laba dhinac iyo dhammaystirka qodobbadii lagu heshiiyey wejigii koowaad, ayaa haddana u muuqda in meeqaamka xubnaha u metelaya Somaliland ka hooseeyo kii wejiga koowaad, lamana saadaalin karo natiijada ka soo bixi doonta maadaama muhiimadda wada-hadallada ee labada dhinac lagu soo qaadi doono kulankan labaad.

SOMALILANDPOST.NET