Bilowga Dib-u-Dhis lagu samaynayo Jidka Ugu Burburka Badan Caasimadda Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Wax-garadka iyo Odayaasha Xaafadda Goljanno, ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa ay bilaabayaan dhismaha Jidka Laamiga ah ee Isku-xidha degmooyinka 26-ka June iyo Ibraahim Kood-buur, iyadoo jidkaasi ka mid yahay Jidadka ugu burburka badan magaalada.

Jidkan oo ah Waddada Dhinaca Koonfureed ka soo gasha Isgoyeska Xero-Awr isla markaana soo hormarta Masaajidka AL-Nuur, waxa dhismaheeda Iska kaashanaya Dadweynaha Xaafadda iyo Dowladda Hoose ee Hargeysa.

Kulan lagu shaaciyey bilowga dhismaha Waddada waxa Wax-garadka iyo Odayaasha kala Qayb-galay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) iyo Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose Khadar Yuusuf Cali, waxaanay masuuliyiintani ka hadleen muhiimadda ay waddadu u leedahay Isu-socodka Xaafadaha Goljanno iyo Xero-Awr oo ah halka ay iska galaan degmooyinka 26 June iyo Ibraahim Koodbuur.

Faahfaahinta Warkan Kaga Bogo Muuqaalka Hoose