BILIC MISE BAAHI!?

Waxay quluubaa-geeddiyeen, genbiyeen isla markaana gunta ku hubsadeen goobo-ganacsiyeedyo fara badan oo il-dhaqaale u ahayd dad kumaan gaadhaya oo ku dhaqan caasimada Hargeysa una badan dan-yar. Waxay baadi-goobayaan bilicdii ay lahaan jirtay caasimad—waddan dagaallo ka soo kabanayna. Lama dafiri karo inuu yahay hawl-qadbad qayb ka ah waajibaadka qaran ee ay u xil saran yihiin.

Subaxnimadii hore ee 29-kii bishii ina dhaaftay ee March, dawladda hoose ee Hargeysa waxay bilawday ololihii ugu ballaadhnaa uguna axmaqsanaa ee ay ku bannanayso dadka si qaldan meherada uga samaystay hareeraha waddada faras-magaalaha caasimada Hargeysa. Waa hawl-gal looga dan leeyahay soo celinta bilicda caasimada. Waa wax loo baahan yahay in la helo, hasayeeshee waxa ka sii muhiimsan in la meeleeyo dadka danta moodayay inay hareeraha waddooyinka ku ganacsadaan.

Maayar Xuseen Maxamuud Jiciir, waa guddoomiyaha golaha  deegaanka ee caasimadda Hargeysa waxuu hawl-galkan ku sabeeyey inay wax badan ka beddelayaan bilicda caasimada, isla markaana waxuu ku dooday in dadku ka dhega-adaydgeeyeen digniinihii kala duwan duwanaa ee ay u soo gudbinayeen.

Haddii aynu si gaar ah isu dul taagno kelmadda ah “dhega-adaygeen” waxaynu is-waydiinaynaa maxay dadku u dhega-adaygeen? Ma meel ay u guuraan ayay garan waayeen? Ma dawladda hoose ee burburisay ayaan meel u diyaarin? Ma awood ay ku guuraan ayay waayeen? Ma meesha ay yeesheen? Ma qorshe qaran oo lagu raro ayaanay dawladda hose la iman? Ma dadka aan sharciga dawladda u hogaansanayn? Maxay tahay sababtu?

Kollay waxaa fiicnaan lahayn, haddii dadka la rarayo in loo raro si nidaam ku jiro. Waxa habboonayd in la sameeyo daraasad iyo falanaqayn xeel-dheer oo axadhsa noocyda ganacsi ee la rarayo, qaabka loo rarayo, meesha la gaynayo, tiradooda guud iyo meelaha loo kala rarayo.

Imika dawladda hoose waxay adeegsatay xoog iyo muquunin, waana xalka ugu danbeeya ee ay wax ku rari lahayd. Dhammaan qodobada aynu kor ku xusnay ayaa ka horreeya.

Ma xuma in waddada la banneeyo, in bilicda magaalada la hagaajiyo, in baabuurta quruxda ee inagu soo badanaysa waddooyin loo helo, laakiin waxaa ka horreya kana muhiimsan in meel lagu tiiriyo nolosha dadka. Waxa la xarragoodaa marka noloshu isku fillaantoo, ee ay ka baxdo baahida cadawga ku ah jiritaanka nolasha. Maxay bilic uga baahan yihiin dad la baaxaa-degeya nolol-maalmeedkooda dirqiga ku soo gala.

Waxay dawllada hoose maalintii dhawayd baabisay oo ay burburisay boqolaal meheradood oo isugu jira qaar waa weyn, kuwo dhexe iyo qaar yaryar-ba. Meheradahaas badankoodu waxay jireen dhawr iyo tan sannadood waxaana ku tiirsanaa oo ay il-dhaqaale u ahaayeen kumaan qof oo maanta bilaa shaqo noqday.

Haddii aynu ku soo dhawaanno dulucda qormada, waxa laga maar maan ah inta bilicda laga fikirayo waxa mudan in la fikiro nolosha dadka. Hana la ogaado inay is barbar yallaan “Bilic mise Baahi” keebaa mudan in wax laga qabdot?

Waxaan ku talin lahaa, dadweynaha cabanaya ee dawladda hoose ganacsigoodii ka burbirsay waa inay sharciga la xidhiidhaan oo ay soo bandhigaan dhibtii loo gaystay, dawladda hoose lafteedu way iyana ka gar baxdaa. Waa in laga garnaqaa; garannay in dadka la raro laakiin qaab noocee ah ayaa loo rarayaa?

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)

Cabdiheersare01@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland