Berbera: Murashaxiintii Kulmiye ee Dhacay oo Dacwad ka dhan Komishanka iyo Xisbiga u Gudbiyey Maxkamadda Gobolka

Berbera (SLpost)- Murashaxiin dhacay oo Xisbiga Kulmiye uga tartamayey Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Dalka qaarkood, ayaa dacwad ka dhan natiijada codbixinta ee kala sarreynta murashaxiinta Xisbiga Gudihiisa u gudbiyey Maxkamadaha heer Degmo.

Murashaxiin ku hadhay tartanka Golaha deegaanka Berbera iyo Sheekh oo saluugay natiijada codbixinta Doorashada isla markaana tirsanaya tabashooyin la xidhiidha heerka kala-sarreynta codadka murashaxiinta ee xisbiga gudihiisa, ayaa dacwad ay dhibbaneyaal ka yihiin u gudbiyey Maxkamadda gobolka Saaxil.

Garyaqaan Maxamed Siciid oo murashaxiintani u igmadeen doodda sharci ee kiiska dacwaddooda ay u gudbiyeen maxkamadda, ayaa sheegay in dacwadda Murashaxiintu la xidhiidho cabasho dhinaca Komishanka Doorashada heer degmo iyo Xisbiga Gudihiisaba.

“Murashaxiin ka tirsan 147-kii xubnood ee u tartamayay oo aan ku qanacsanayn natiijada doorashada guddida doorashada degmada Berbera soo saareen oo ay kaga cabanayaan in 80-ka goobood ee degmada Berbera, goob kasta codkii ay ka heleen aan murashaxiinta loo sheegyin, waxaanay imika dacwadda u gubiyeen Maxkamadda gobolka ee awoodda u leh, kaas oo qodobka 62aad ee Xeer No 20/2001 iyo lifaaqiisa afraadba uu tilmaamayo in qofka murashaxa ah ee ka cabanaya go’aanka guddida komishanka doorashooyinka inuu maxkamadda u gudbin karo dacwad lid ku ah go’aankaas iyo Komishankii soo saarayba,” ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Xasan.

Garyaqaan Maxamed Xasan oo xalay khadka telefonka nagula soo xidhiidhay isaga oo ku sugan magaalada Berbera, waxa uu hadalkiisa raaciyey, “Maxkamaddu way qabatay oo waxay markiiba Amartay in la xayiro sanaadiiqdii, laakiin nasiib-darro, Komishanku sanaadiiqdii waxay markiiba u rareen magaalada Hargeysa, iyaga oo sharcigii haysta oo garanaya in qofku xaq u leeyahay in laga caban karo, waxan ay dadka u soo bandhigeen, wax ka duwan haddii ay soo baxaan in la burin karo oo maxkamad awood u lihi go’aan ka soo saari karto.”

Isaga oo ka hadlaya tabashada ay ka tirsanayaan Xisbiga ay ka sharraxnaayeen, waxa uu yidhi, “Cabasho Xisbiyada dhexdooda ahi way jirtaa. Waxay leeyihiin murashaxiintii xisbiga ayaa codadkii loo kala raray oo tiro aanaan lahayn ayaa lana siiyey.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net