BERBERA: Mudaharaad Maalintii Labaad Socda iyo Askarigii Taliyaha Dilay oo Dil Lagu Xukumay

Hargeysa (SLpost) – Taliyihii ciidanka Birmadka ee Gobolka Saaxil Marxuum  Aadan Guudleed Daahir (Tallaabo), oo maalintii shalay Askari katirsan Ciidamada uu xukumi jirey ku toogtay afaafka hore ee saldhigga dhexe ee magaalada Berbera,  ayaa marxuumka jidhkiisa ku dhacay  Shan xabbadood, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Saaxil Md Fahmi Cabdi Bidaar.

 

Gacan-ku-dhiiglihii dilkaasi geystay oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Saleebaan Khayrre (gadh-male), ayaa daqiiqado kadib markii uu toogashada geystay isu dhiibay ciidamada Ammaanka, waxana  haatan socota baadhis la xidhiidha sababta dilkaas keentay.

 

Dilka kadib waxa magaalada Berbera ka dhacay mudaharaad kooban oo shacabku kaga soo horjeedaan dilka loo geystay Taliyihii Birmadka, waxase arrinta gacanta la galay oo dadkii kala dareeriyey ciidamada ammaanka oo xaaladdii nabadgelyo dib usoo dabbaalay.

 

 

Isla mudaharaadkaas la xidhiidha dilkii loo gaystay taliyihii ciidanka birmadka ee gobolka Saaxil ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Ciidanka booliska ee magaalada Berbera ayaa dadkii mudaharaadka samaynayey u adeegsaday xabado nool kuwaas oo ay ku kala kaxaynayeen dadkii mudaharaadka dhigayey  oo dalbanayey in xukun dil ah lagu fuliyo gacan ku dhiiglaha dilay taliyihii ciidanka birmadka.

 

Dhinaca kale maxkamada ciidamada ayaa saaka barqadii dil ku xukuntay askarigii dilay alle haw naxariistee taliyihii ciidanka birmadka ee magaalada Berbera Aadan Guuleed Jibriil Talaabo taas oo uu xaqiijiyey warbaahinta badhasaabka gobolka Saaxil, iyada oo gacan ku dhiiglahana maalinta bari ahna la hor gayn doono askariga dilka gaystay maxkamada darajada labaad.

 

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Md Fahmi Cabdi Bidaar oo saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta dilkaas loo aanaynayo oo uu ku sheegay jaafaa-jiriq kooban oo dhex maray marxuumka dhintay iyo Askariga dilka geystay,“Waxa la igu yidhi hoggaan ciidanka ah  baa dalka joogay, markaa marxuumka dhintay waxa uu damcay inuu Hoggaankaas raaco, kadib markii uu is yidhi baabuurkiisii oo saldhigga hortiisa yaalla soo qaado, ayuu Ninka dilka geystay fuulay gaadhigii marxuumka, waxana uu ku yidhi iga deg hoggaankaan raacayaaye, waxana uu ugu hal-celiyey hoggaankaan ku socdaa isna ka deg buu ku celiyey, laakiin shan xabadood buu ku dhuftay markii uu marxuumku is yidhi Dhaqaaq.”ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar.

 

Dilka noocan oo kale ah ee saraakiisha ciidanka loo geysanayo ayaa kusoo badanaya Somaliland, waxana haatan ka hor ugu yaraan Saddex askari oo saraakiishoodii gacantooda ku dilay aan laga qaadin wax tallaabo ah, waxana ay taasi keentay in si fudud loogu dhiirrado dilka saraakiisha.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo, ayaa looga fadhiyaa inuu xoojiyo ciqaab adag oo la marsiiyo askarta saraakiishooda dilaysa ee sii kordhaysa si loo yareeo in saraakiishu ku baxaan gacanta askarta ay xukumaan.

 

Somalilandpost.net

Berbera, Somaliland