Berbera: Mucaawino Turkiga ka timi oo la qaybqaybiyay

Hargeysa, (SLpost)- Markab laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa la sheegay inuu dorraad ku soo xidhay Dekedda Berbera, kaasoo keenay caawimo ka timi dalkaas qaybtii ay Somaliland ku lahayd.

Mucaawinadan oo la sheegay inay isugu jirto raashino kala duwan, ayaa lagu mashquulsanaa dejintiisa iyo weliba kala-diridiisa. Maamulka Dekedda Berbera iyo Agaasimaha  Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa si wada jir ah uga  waramay halka ay marayso dejintii iyo qaybintii Deeqdaasi uu dalka Turkigu ugu deeqay Somaliland iyo Somalia, iyaga oo ku sugunaa  gudaha Dekadda Berbera.

Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye oo ka hadashay mucaawinada, waxay hadalkeeda ku bilawday, “Waxaan maanta (dorraad) halkan ku wareejinaynaa Maamullada Gobolka Saaxil iyi Togdheer Deeqdii naga soo gaadhay wadanka Turkiga, anaga oo siinay Gobol kasta laba Gaadhi oo sida 21 Tan oo isigu jira dhar iyo raashin, waxaa kale oo aanu Laba Gaadhi oo iyana sida 21 Tan Badhasaabka Gobolka Togdheer ku wareejinay. Waxa kale oo iyana aanu min laba Baabuur u diraynaa Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaanan aad ugu mahadnaqayaa Wadanka Turkiga ee Deeqdan ina soo gaadhsiisay iyo Maamulka Gobolka Saaxil.”

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi oo isna halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay dalka Turkiga iyo Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada, taasoo uu sheegay inay si sinaan ah u qaybiso caawimada soo gaadha dalka.

“Waxaan isla garanay aniga iyo Maayarku in labada Gaadhi ee Gobolka Saaxil aanu ku wareejino Dawlada Hoose, si ay u gaadhsiiso dadka jilicsan,” ayaa ka mid ahaa hadalkii Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil.

“Marka hore waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Somaliland, waxa kale oo aan u mahadcelinayaa Wadanka Turkiga ee Deeqdan ina soo gaadhsiiyay. Waxa keliya ee aan ku darayaa waxaa weeye, Deeqdu way kooban tahay markaa ma wada gaadhi karto dadka, markaa qof waliba wuu jecelyahay in wax soo gaadhaan, dee wuxuna inama wada gaadhayaan, markaa waa inaynu sidaa u ogaano,” sidaana waxa yidhi Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Bade oo halkaa ka hadlay ayaa isaga oo dhiniciisa ballanqaaday inuu mucaawinaddaas gaadhsiin doono dadka u baahan ee jilicsan ee gobolkiisa.

Markabkan sida Deeqda Wadanka Turkigu u soo diray Somaliland ayaa marka rogitaankiisa la dhameeyo, waxa lagu wadaa inuu u gudbo dhinaca Dekedda maamulada Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Webmaster@somalilandpost.net