Berbera: Khasaaraha askar bam-gacmeed lagu weeraray

Berbera (SLpost)-Shan Askari oo ka tirsan Ciidammada Booliska magaalada Berbera ayaa dhaawacyo soo gaadheen, kadib markii Askartaas oo hawlgal ku jiray shalay ay Bambo gacmeed ku tureen niman si sharci-darro ah uga ganacsada Biraha gaboobay ee Iskiraabka looyaqaanno.

Shanta Askari ee uu dhaawacu soo gaadhay ayaa waxa ka mid ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dekedda Berbera Raage Jaamac oo dhaawaciisu culus yahay, kuwaasoo dhaawacooda lagu dawaynayo Cusbitaalka guud ee magaalada Berbera. Ciidanka Booliska ayuu shilkani la kulmay ka dib markii iyaga oo ku jira hawlgal lagu baadi goobayay niman isku dayay inay biro iskiraaba oo ay dawladdu leedahay ka qaataan agagaarka guriga Martida ee magaalada Berbera, kuwaasi oo iyagu iska difaacayay Ciidanka, ayaa Baabuur Boolisku watay u adeegsaday Bambo-gacmeed ay ku tureen, isla markaana waxa uu Bamkaasi sababay dhaawaca shantaa Askari ee Booliska oo saarnaa gaadhigii ay Boolisku wateen.

Ciidamada ayaa saddex nin u soo qabtay falkaasi waxaanay illaa hadda ku daba-jiraan cidda kale ee gacanta ku lahayd falkaasi.

Dhinaca kale, nimanka iskaraabka qodanayay ayaa sida ay sheegayaan wararka ku dhadhaw Booliska Berbera waxay hore ugu wargeliyeen inaanay wax Iskaraab ah ka qodan Karin goobta dhacdadani ka dhacday, hase yeeshe, waxa warku tibaaxay inay nimankaas dhaawacyada geystay iska indha-tireen wargelinta Booliska, kuwaasoo sida la sheegay u soo diyaar-garoobay in ay dagaal kala hortagaan cidkasta oo isku dayda inay iska hor-taagto gurashada Iskaraabkaas.