Berbera: Guddiga Qandaraasyada oo Kormeer Daba-gal ah ku sameeyey Mashaariic Xukuumaddu ka hirgelisay 3-dii Sanno ee u dambeeyey

 

Berbera (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Xubno ka tirsan Guddigaas, ayaa maanta kormeer ay ku daba-galayaan qaabka loo fuliyey ku sameeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.

Weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo maalmihii u dambeeyey ku gudo-jiray kormeer ay ugu kuur-galayaan mashaariic kala duwan oo kharashka ku baxay laga maalgeliyey miisaaniyadda Qaranka oo gobollada dalka laga hirgeliyey saddexdii sanno ee u dambeeyey, ayaa maanta indhahooda ku soo arkay qaabka loo fuliyey iyo habsami-u-socodka mashaariicdan oo ay ka mid yihiin Garoonka Kubadda Cagta oo la dhigay Roogga Cagaaran, Sheybaadhka Qaranka oo lagu baadhi doono tayada Raashinta iyo Daawooyinka, Kawaanka Xoolaha iyo Tallaagada Kalluunka lagu qaboojiyo iyo Doonyo Cusub oo loo iibiyey Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

Guddiga Qandaraasyada waxa habsami-u-socodka Mashaariicda kuwooda hirgalay ee lagu shaqeeyo iyo kuwa xilligan gacanta lagu hayo faahfaahin ka siiyey Isu-duwayaasha Gobolka ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda ee Mashaariicaha loo fuliyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin Isu-duwayaasha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo hay’adda dhowrista Tayada.

Xubno ka mid ah Guddiga Qandaraasyada oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada kormeerkooda oo ay ku sheegeen mid ay ugu kuur-galayaan qaabka loo fuliyey mashaariic laga maalgeliyey Qasnadda dowladda iyo Cashuuraha dadweynaha laga qaado.

“Ujeeddadayadu waxa weeyaan inaanu eegno in loo fuliyey sidii loogu talo-galnay mashaariic laga maalgeliyey cashuurta laga qaado dadweynaha, dhammaan mashaariicaha aanu soo marnay waxa laga maal-geliyey qasnadda dowladda, mid kaliya oo hay’adi innaga caawisayna kuma jiraan, waa adeeggii dowladdu dib ugu celinaysay dadka,” Sidaas waxa yidhi Commissioner Muuse Faarax Jaamac oo ka tirsan Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada kormeerkoodu tahay mid ay ugu kuur-galayaan Mashaariic laga fuliyey gobollada dalka gaar ahaan gobolka Saaxil muddadii saddex sanno ahayd ee ay talada haysay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Mashaariicdaas oo qaarkood gacanta lagu hayo meel fiican ayay marayaan. Dabcan, la xisaabtan shirkadihii aanu qandaraasyada siinnayna waanu u soconnay inaanu qiimeyno. Haddii lagu tartamay mashaariicda, waxa lagu tartami doonaa shaqo-wanaagga oo shirkadaha ka caawin doonta inay tartanka dambe soo galaan.” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen.

Warkan oo faahfaahsan iyo hadalka masuuliyiinta ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Kormeerka Weftiga Guddiga Qandaraasyada iyo Gobollada ay soo mareen

Weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranka waxa ay toddobaadkii hore kormeerkooda guud ka bilaabeen gobolka Sanaag gaar ahaan degmooyinka Gar-Adag iyo Ceerigaabo oo ay ka socdaan ama laga fuliyey mashaariic tiro badan oo xukuumaddu maalgelisay, iyagoo sidoo kale safarkooda indho-indhaynta ah kutagay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Weftiga ayaa 28-kii December, 2020 kormeerkooda ka bilaabeen Dhismaha Xarunta Jaamacadda degmada Garadag oo inteeda badan la dhammeystiray, waxaanay halkaas warbixin kaga dhegaysteen maamulka degmada oo xog-warran ka siiyey habsami-u-socodka dhismaha jaamacadda.

Sidoo kale, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranku Salaasadii toddobaadkii hore oo ku beegnayd 29-kii December ee sannadkii hore gaadheen degmada Ceerigaabo, waxaanay si gooni-gooni ah kormeer ugu sameeyeen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada. Mashaariicda oo dhismeyaal u badan waxa ka mid ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale, maalinimadii Arbacada ee Toddobaadkii hore, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyadu gaadheen magaalada Laascaanood, halkaas oo kulan ay la yeesheen maamulka gobolka kaddib ay kormeerkooda ku indho-indheeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiinkuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood iyo Dib-u-habayn lagu sameeyey Garoonka kubadda Cagta ee magaaladaas.

Weftiga oo ku gudo-jira safarkooda ay ku kormeerayaan mashaariicaha xukuumaddu hirgelisay oo ay guddi ahaan uga masuul yihiin bixintooda iyo hubintoodaba, ayaa Khamiistii toddobaadkii hore oo ku beegnayd 31-kii December kormeer ku sameeyey dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismeyaal lagu kordhiyey Cusbitaalka Burco, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Burco, Dib-u-dhis iyo Dayac-tir lagu sameeyey Biriishka magaalada Burco iyo Mashaariic kale.

Waxa kale oo Guddiga Qandaraasyada Sabtidii shalay oo ku beegnayd 02 January 2021 socdaal ku gaadheen magaalada Oodweyne ee Xarunta gobolka Daad-madheedh, halkaas oo ay ku soo indho-indheeyeen mashaariic ay xukuumaddu ka hirgeliyey degmada Oodweyne, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhismaha Maxkamadda Gobolka Daad-madheedh, Dhismaha Xabsiga Oodweyne iyo Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada oo dhismihiisu socdo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net