BERBERA: Faahfaahinta Kulan Markab-Dushii ku Dhexmaray Somaliland iyo Midowga(DAAWO VIDEO)

SAYLICI_BERBERABerbera (SLpost)- Kulan Warbaahintu dibadda ka joogtay, ayaa Markab dagaal dushiisa ku dhex-maray Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Saraakiil ka socda Hay’adda la-dagaallanka Budhcad-badeedda caalamiga ah Midawga Yurub u qaabilsan ee EUCAP.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Taliyaha Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland, oo saaka ka ambabaxay magaalada Hargeysa, ayaa Markab dagaal oo ku soo xidhay Dekedda magaalada Berbera, dushiisa kula shiray Saraakiil ka socday Hay’adda la-dagaalanka Budhcad-badeedda ee EUCAP oo ah Haya’dda European Commission-ka u qaabilsan la-dagaalanka Budhcad-badeedda, kuwaasoo la socday Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidammada Badda ee dawladda Faransiiska oo ka mid ah Ciidammada Midowga Yurub ee Bad-weynta India iyo Badda cas u jooga la-dagaallanka Budhcad-badeedda.

Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo lagu marti-qaaday kulankaas ka dhacay Markabka dushiisa, ayaan la ogeyn waxyaabaha lagaga wadahadlay, inkasta oo Midowga Yurub oo Faransiisku ka mid yahay ay Somaliland ka taageeraan la-dagaallanka Budhcad-badeedda.

Kulankaas Markabka Dushiisa Masuuliyiinta kala duwan ku dhex-maray, ayaan loo oggolaan inay Weriyeyaashu goob-joog ka ahaadaan, isla markaana ay dibedda ka joogeen. Hase-yeeshee,  ila-wareedyo kulanka ka agdhawaa, ayaa tibaaxay in kulanka dhex-maray Weftiga Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland iyo Saraakiisha Ciidammada Badda ee Midawga Yurub uu ahaa mid ahmiyad u leh Somaliland, gaar ahaan Ciidammada ilaalada Xeebaha oo la sheegay inay Saraakiishu ballan-qaadeen inay tabobbarro u fidin doonaan.

Kulankaa waxa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland dhiniciisa ku weheliyey, Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdillaahi Abokor Cismaan, Taliyaha Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Cismaan iyo Masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo degmada Berbera.

Maaha markii ugu horreysay ee Kulan Markab dushii ka dhacay dhex-maro Madaxda Somaliland iyo Masuuliyiin Ajaanib ah, hase-yeeshee, ugu yaraan laba jeer oo hore ayuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidan oo kale kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka socota Midowga Yurub iyo dawladda Ingiriiska Maraakiib ay leeyihiin Ciidamada Badda (Naval Forces) ee waddamo ka tirsan Midowga Yurub.

 

DAAWO VIDEO-GA

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net