Berbera: Bandhigga Buug ka Hadlaya Dhibaatooyinka Haysta Dadka la Haybsooco

Berbera(SLpost):Munaasibad ballaadhan oo lagu soo Bandhigay Buug la yidhaa DIRSOOC oo uu qoray mid kamida Naadiga Halkaraan-Burco oo la yidhaa Maxamed Ismaciil cali ayaa waxa lagu qabtay magaalada Berbera. Xafladdan waxa soo qabanqaabiyey naadiga akhiska ee Berbera.

Buuggan oo ka hadlayey taariikhda iyo dhibaatooyinka dhaqan ee haysta bulshada la haybsooco ayuu si waafiya u sharraxay xogta ku duugan iyo waxyaabaha uu ka hadlayo qorraaga buuggu.

Waxa isaguna taariikh kooban oo ku saabsan qoraagga halkaas kasoo jeediyey Mustafe Teacher oo kamida xubnaha Halkaraan, waxa isaguna naadiga Berbera u mahadnaqay guddomiye-kuxigenka Halkaraan Mustafe Shaybe, waxanu uga mahadceliyey Soo dhoweynta diirran iyo munasibadda qurxoon ee ay usoo agaasimeen qoraaga buugga iyo guud ahaanba Naadiga Halkaraan ee Martida u ahaa.

Guddomiyaha naadir3diga akhriska ee Berbera, Mukhtar Cisman Jamac, kuxigenkiisa Cabdinasir Afrika iyo agaasimaha arrimaha Bulshada dawladda hoose ee Berbera Jimcaale Cawke ayaa si mug leh u soo dhoweeyey xubnaha kasocday Naadiga Halkaraan waxaana uu qoraaga ku bogaadiyey buugga uu qoray ee qiimaha leh iyagoo dhalinyaradana u soo jeediyey inay ka faa’idaystaan oo ay buuggan ka bartaan taariikh badan iyo xog ka maqnayd maadaama xog ururin uu sameeyey qoraagu uu buuggani ku soo baxay.Dir1 dir2

Gebogabadiina waxa ay dhalinyaradii ka soo qaybgashay caweyska lagu soo bandhigayey buuggu s’aalo ku boobtay qoraaga iyadoo qoraaguna si waafiya u sharraxay, waxana qaybkamida buugaagtaas uu qoraagu ku wareejiyey naadiga akhriska ee Berbera iyadoo la dhigtay maktabadda akhriska ee Berbera si ay bulshada akhriska ku xidhan uga faaidaystaan.

Somalilandpost, Berbera Office