Berbatov oo Seegaya kulanka Muhimka u ah Man. United ee Champions League Xilli Chicharito isna dhaawac Yahay

SLpost Sports – Ciyaaryahan Dimitar Berbatov ayaa laga saaray kulanka muhimka u ah Manchester United ee ay ku xaqiijin lahaayeen u soo bixitaankooda Champions League ee ay la ciyaarayaan kooxda basel, taasoo ka dhigeysa in tababare Alex Ferguson ay ku dhacdo weeraryahano yaraan.Ka dib markii Javier Hernandez uu ka dhaawacmay canqowga kulankii Sabtida ee Aston Villa, taasoo uu ku maqnaanayo muddo bil ah, Ferguson ayaa rajo ka qabay in

Berbatov uu isna ka soo kabsado dhibaato ka haysato qanqowga si uu kooxda ugu raaco Switzerland.Laakiin ciyaaryahanka reer Bulgaria ayaa ka maqnaa tababarkii maanta, taasoo la micno ah in Ferguson uu ku tashanayo kaliya Wayne Rooney iyo Danny Welbeck kaasoo hal kulan bedel ku soo galay tan iyo markii dhaawac uu ka soo qaatay kulankii xulka England bishii hore, waxaana intaas sii dheer waxaa jooga Federico Macheda iyo Mame Biram Diouf kuwasoo aan in badan ciyaarin xilli- ciyaareedkan.Rooney ayaa khamiista magaalada Nyon waxa uu ka qayb galaya dhageysiga racfaankii uu ka qaatay saddexdii kulan ee la ganaaxay.

Laakiin waqtigaasi, 26-jirkaan waxa uu ogaan doonaa hadii uu mustaqbal ku sii leeyahay Champions League iyo haddii kale.

SLpost Sports News

sports@somalilandpost.net