Beledkii Hal-doorka: Maasno Loo Hibeeyay Buco iyo Bulshadeeda – Ereyada Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Jiiftadan waxa aan tiriyay 22/01/2013-ka markaas oo aan u geeddiyay Burco si aan uga qaybgalo Barnaamijka Waddaniyadda oo uu hormood ka ahaa Abwaan Axmed Axda.. Sooyaalka iyo doorka ay Burco ugu jirto Somaliland ayaa ay ka warramaysaaa…. Nuxurku waa dheehashada iyo akhriska maansada Beledkii Hal-doorka..

Waa kuwan meerisyadi

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Baradii Togdheer iyo

Biixida dhulkeygaay

Burco ciid leh barakooy

Belelkii xornimadee

Ingiriiska baacsaday

Waaguu bakhtiyay amin

Geesiyaal bidhaanshoo

Ka afuufay boodhkaa

Burcooy lagugu ababshoo

Innagoon beryaba jirin

Waataynu booraan

Midnimiyo bilaash lura

Calankii ku bixinnee

Dib u-baadidoon qaran

Beryihii dagaalkiyo

Halgankeennu buuxsamay

Xaruntii bilawdee

Biimaha naf-huriddaa

Hadhcad loo badheedhaay

Geesiyaasha aan biqin

Halka lagu barbaarshee

Ku bogaadin mudataay

Inaan nahay dal buuxoo

Madaxii bannaan yahay

Halkii laga bayaanshaay

Fanka baallihiisiyo

Batar iyo tix iyo hees

Suugaan bahdeediyo

Abwaaniinta caanbaxay

Beledkii gardaadshoow

Haddii uunku baratamo

Waxa badiya ruuxii

Cilmi iyo buruud lee

Bandhigyada aqooneed

Bareyaasha ka u mudan

Bartii lagu xannaanshaay

Waxa dawlad bili kara

Diricii bulshada ay

Billaad maamul saartee

Madaxweynayaal bilan

Boqorrada intaw badan

Bayd lagu canqariyoo

Biyaheeda siisaay

Dalka beegsigiisiyo

Boggu horumar uu rabo

Dhaqaalaa baxnaanshee

Waxaad tahay bu’dii ay

Beertiyo wax-soosaar

Badigoobba xooluhu

Dhab ka soo burqanayeen

Culimada ku baaqdee

Barbar taagan diintiyo

Ganacsade bilkhayroo

Marka baahi loo qabo

Binidiisa dhiibaa

Baradaada joogee

Bigilkii xaqsoorkaay

Marka baadil uu dhaco

Boollida magaalkii

Boholaha ku tuurtaay

Anoon maanso badinayn

Burco iyo dadkeedoow

Birlab iyo hal-doorbaa

Guulluhu ku beegoo

Badhi-taarid mooyee

Baylah kama filaynee

Barkhad iyo riyaaq iyo

Ku bariista raynrayn        Aamiin

 
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Tell: 4428604/9169034