“Beesha Caalamku qayb kamay ahayn Meesha ay Somaliland maanta gaadhay” – Wasiir Arrimaha Dibadda Somaliland

maxamedHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay tan iyo wixii ka dambeeyey go’aankii golaha Guurtidu muddo-xileedka ugu kordhiyeen ka hadashay isbeddel la sheegay inuu ku yimi xidhiidhkii iyo wada-shaqayntii u dhaxaysay Beesha Caalamka oo saluug ka muujisay dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka Somaliland, isla markaana ku baaqay in go’aanka muddo-kordhinta laga noqdo haddii ay arrintaas saamayn ku yeelanayso xidhiidhak wada-shaqayneed ee Somaliland iyo Beesha Caalamka.

Go’aanka Golaha Guurtidu horaantii bishan ugu kordhiyeen xukuumadda iyo Golaha Wakiillada muddo 21 bilood ah, ayaa khilaaf siyaasadeed ka dhex abuuray Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, waxaana maalmihii u dambeeyey soo baxayey warar aan la xaqiijin oo sheegayey in go’aanka muddo-kordhintu saamayn ku yeeshay xidhiidhka beesha Caalamku la leedahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo madaarka magaalada Hargeysa ugu warramay telefishanka madaxa-bannaan ee Star TV, waxa uu sheegay inaanay waxba iska beddelin wada-shaqayntii u dhaxaysay beesha Caalamka iyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu beeniyey inuu jiro qorshe xukuumaddu ku dabacsan tahay sidii ay dalka uga saari lahayd hay’ado Caalami ah oo lagu eedeyey inay ku kaceen faro-gelin siyaasadeed oo ka baxsan hawlaha gar-gaarka ah ee ay u xil-saaran yihiin, sida uu Isniintii dorraad warbaahinta u sheegay la-taliyaha madaxweynaha ee xidhiidhka hay’adaha Caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed oo sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya hay’adaha qaarkood oo si toos ah u soo faro-geliyey siyaasadda Somaliland.

HALKAN KA DAAWO