Beesha Caalamka oo war Dhiilo Xambaarsan ka soo saaray Khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho (SLpost)- Saaxiibbada Beesha Caalamka ee taageera ammaanka iyo dowladimada Soomaaliya, ayaa maanta si wada-jira ah u soo saaray war-murtiyeed dhiillo xambaarsan oo ku aaddan khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha dalkaas.

Waxa war-murtiyeed lagu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal-wasaare Rooble uu dhaawac u geysanayo geeddi-socodka nabadda iyo qabsoomidda doorashooyinka maadaama ay muddo sannad ah ka soo wareegtay heshiis 17 September2020 ay kala saxeexdeen Dowladda Farmaajo iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Beesha Caalamku waxay ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare inay sida ugu dhakhsaha badan xal uga gaadhaan khilaafkooda siyaasadeed isla markaana ay joojiyaan digreetooyinka awoodeed ee xafiisyadooda ka soo baxaya.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, iskana ilaaliyaan is-weydaarsiga wareegtooyinka shaqsiyeed oo aanay dani ku jirin, hana iskana ilaaliyaan tallaabo kasta oo khalkhal gelin karta xaaladda amniga oo dib ha u gudo-galaan dhammaystirka doorashooyinkii dib u dhacay iyadoo aanu dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka beesha caalamka.

Beesha Caalamku waxa ay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed baahi-weyn u qabo dowladnimo loo dhan yahay oo shaqaynaysa. “Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo mudan yihiin Dowlad wax -ku -ool ah oo loo dhan yahay. Kala qaybsanaanta jirta waxay sababaysaa inay wiiqanto horumarka muhiimka ah ee la sameeyay,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

War-mutiyeedka waxa si wada-jir ah u soo saaray Saaxiibbada Beesha Caalamka ee taageera Nabadgelyada iyo Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo kala ah AMISOM, Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Urur-goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Kenya, Ururka Jaamcadda Carabta, Norway, Qatar, Sweden, Switzerland, Turkey, United Kingdom, United States iyo Qaramada Midoobay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net