Beesha Caalamka oo Ka Walaacsan Khilaafka madaxweynaha iyo Mucaaradka ee Diyaar-garowga Doorashooyinka

 

Hargeysa (SLpost)- Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed iyo mashaariicda horumar ee Somaliland ayaa ka walaacsan in Somaliland awoodi kari weyday inay dhammaystirto hawlo fudud oo farsamo oo hortaagan doorashooyinka Somaliland ee wakiilada iyo deegaanka, si loo qabto doorashooyinka habsaamay. Doorashooyinkan ayaa waxa mar kale dib u sii riixi kari ismari-waaga Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka.

Sida ay Geeska Afrika ilo xogogaal ahi u sheegeen waxa walaacan oo muddooyinkii u dambeeyay yara degay soo kiciyay natiijadii uu ergayga Midowga Yurub kala noqday Hargeysa, ka dib markii uu ku guuldaraystay kulan uu Madaxweyne Biixi la yeeshay oo uu doonayay inuu ku qanciyo in dib loo celiyo xubno uu Madaxweynuhu u soo magacaabay guddiga cusub ee doorashada oo ay mucaaradku ka qayliyeen.

Dalalkan ayaa ka dib markii ay heleen warbixinta natiijada socdaalkii ergayga Midowga Yurub, waxa ay is tuseen inay hoos u sii socoto dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland oo ay dalalka reer galbeedku wakhti iyo kharash badan geliyeen, waxaanay aaminsanyihiin in madaxda siyaasadda Somaliland laga la’yahay  bisayl siyaasadeed oo hoggaamineed si looga gudbo caqabadaha taagan.

Dalalkan beesha caalamka ayaa sidoo kale waxay farta ku go’dayaan dhinaca xukuumadda oo looga baahanyahay fududayn, dedejin iyo tanaasulaad si loogu gudbo diyaar garow doorasho oo wakiilada iyo deegaanka ah.

Dalalkan ayaa laga yaabaa sida ay wararku sheegayaan inay mar kale Somaliland u soo diraan wefti culus oo ka kooban safiiro kuwaas oo Madaxweyne Biixi soo gaadhsiin doona dhambaal midaysan oo ay ka sidaan dalalka taageera horumarka iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Ergaygan Midowga Yurub ee natiijo la’aanta ku laabtay ayaa socdaalkiisa Hargeysa wuxuu yimid ka dib markii uu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani u diray beesha caalamka dhambaal uu ku weydiistay inay wax ka qabtaan Madaxweyne Biixi oo uu ku eedeeyay inuu guddiga doorashooyinka ku soo daray xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE.

@Geeska Africa Newspaper