Beesha Bariga Burco oo Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbatay Kulan gaar ah oo uu la yeesho

Hargeysa (SLpost)- Beesha Bariga Burco ayaa madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi ka dalbatay kulan ah oo uu la yeesho Madax-dhaqameedka, Wax-garadka iyo Odayaasha Beeshaas.

Boqor Cusmaan Buur-madow oo maanta magaalada Hargeysa kula hadlay weriye ka tirsan Eryal Tv, ayaa sheegay inay madaxweynaha ka dalbanayaan kulan gaar ah oo uu beeshooda la yeesho.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

Hadalka ka soo yeedhay Boqor Cusmaan Buur-madow, ayaa ku soo beegmaya maalin kaddib markii uu madaxweyne Muuse Biixi kulan gaar ah ku marti-qaaday Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka beesha galbeedka Burco.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Somalilandpost@live.com