Beesha Ayuub oo bayaan culus ku faaqiday xaaladda dalka, Tallooyin-na u soo jeediyay Xukuumadda

Hargeysa, 05 February, 2012 (SLpost)- Beesha Ayuub ayaa bayaan culus ka soo saaray shir beeshaasi muddo laba maalmood ah uga socday degmada Sayla-bari ee gobolka Hawd, kaasi oo ay ku faaqideen xaalada siyaasadeed ee dalka.

Bayaanka laga soo saaray gunaanadkii shir-beeleedkaasi oo ay ku saxeexnaayeen Suldaan  Daahir Suldaan Aamin Faarax   iyo   Boqor Xuseen Cali Kaahin  wuxuu u dhignaa sidan:-

“Ka dib kulan daneed oo ay beesha Ayuub ku yeelatay  Degamada Sayla wax yaabihii ka soo baxay waxaa ka mid ah:

1. Beeshu waxay ugu baaqaysaa Bulshada Somaliland inay ilaashadaan adkaystaana  nabadgalyada ay ku caana maaleen

2. Beeshu waxay ugu baaqaysaa  Beesha Buuhoodle iyo Sool  in ay nabadu cidwalba dan u tahay (dagaalkana will baa ku dhintee wiil kuma dhasho, sidaa darteed  waa inay nabada qaataan xila iska saaraan ku wada noolaanshaha gayi nabdoon si loo suuragaliyo horumarinta arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha  taageeraana  gogosha nabadeed ee loo fidiyay aqbalaana  baaqyada nabadeed ee Beelaha  Somaliland.

3. Gooni  isu  taaga Somaliland waxaa  go’aamiyay Shacbi weynaha Somaliland oo ugu codeeyay  in ka badan 97% cidkalana uma fura,  go’ aan ka gaadhista Masiirka ummada Somaliland hore u suntatay. sidaa darteed waxaan  u soo jeedinaynaa Shacbi weynaha Somaliland:

a) Inay qayb ka noqdaan ka midho dhalinta Suurta galinta Dawlad caalamku aqoonsan yahay

b) Sugida xuduuda Qaranka Somaliland

c) Teegeerista dadaalka xukuumadu ugu jirto helista aqoonsi dhamaytiran oo aan caalamka intiisa kale ka helno

d) Joojinta ficilada/Erayada qadafka ku ah Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

e) Sidoo kale waxay Beeshu  usoo jeedinaysaa   Xukuumada JSL inay  ka qayb gasho miiskasta oo wadahadal  si ay Bulshada caalamka u gaadhsiiso qodabada dastuuriga ah iyo dareenka shacbiga Somaliland ee k u salaysan madaxbanaanida  iyo Qaranimadooda .

f)  Waxaan  ku taageeraynaa  xukumada xisbulxaakimka Kulmiye  inay ka qaybgasho shirka London iyo shirka kasta oo danaha Somaliland ku jrito si ay uga midho dhaliso barmaamujkii umadu kalsoonida ku siisay kana qayb galaan Astaanta Qarankaq JSL.

Baaqan waxaa si guud usoo saaray Ergadii ka soo qayb  gashay Shir balaadhan oo ay Beesha Ayuub ugu ducaynaysay Beesha, Xukumada JSL  iyo Shacbiweynaha Somaliland oo ka dhacay Dagmada Sayla  2nd -3rd,    February, 2012.”

 Weriye Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com