Beerlaxawsigii Sheekh Shariif, Dhoola-caddeyntii Siilaanyo, Amakagii Puntland iyo Galmudug

Qallinkii Wariye: Khadar Jaamac Dirir

Waxa khamiistii dalka Imaaradka carabta ku soo dhamaaday kulankii ay wada yeeshan Madaxweynayaasha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Sheekh Shariif Sh. Ahmed oo ay ahayd kulankoodii ugu horreysay ee 21 sanno si fool ka fool ah isaga horyimaad labadda dawladda.

Waddahadalkan ay yeesheen labada madaxweyne ayaa wuxuu ahaa mid bundhig u ah kii lagu gaadhay dalka ingiriiska ee ah in labadda dawladda sidooda u waddahadalan. Laakiin Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo ayaa beesha caalamka u sheegay in aanu kala hadalayn goni isu-taaga Somaliland oo in badan ku beerlaxawso Sheikh Shariif in aanay  soomaali  kala go’I Karin, laakiin aynu wax ka soo qaadano hadalkii Siilaanyo uu ka yidhi markii uu ka dhoofayey madaarka Berbera “Waxa shirkan lagaga hadli doonaa wixii danaha labada dal ah.  Somaliland waxay mar-walba ay difaacaysaa qaranimadeeda, gooni isu-taageeda iyo siday u taagan tahay ee ay wadan madax banaan u tahay. “Markaa waxaanu rajaynaynaa inaanu sii xoojino wada hadaladaasi oo aanu qeexno madax-banaanidda Somaliland.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha dawladda awooda daran ee ku-meel-gaadha Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa si xiqdi iyo cunfi badani laga dheehan karo uga hadlay shirkii gogol xaadhka u ahaa wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee 21-kii June ee sannadkan magaalada London ku dhex maray laba guddi oo ka kala socday labada dhinac.

Sh. Shariif waxa uu si indho la’aan ah uga hadlay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, kaas oo si xaqiiqada ka fog uga hadlay wada-hadaladii dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya dhexmaray, isaga oo si riyo ku jirto uga hadlay wixii la odhan jiray Midnimada, isla markaana sheegay in wadahadalada wakhtigan dhexmaraya Somaliland iyo TFG-du inay soo dadajinayaan midnimadii lagu hungoobay “Somaliland sinna Somalia inteeda kale ugama tagi doonto waxaana ku dadaali doonaa in aan xalinno khilaafka ka dhaxeeyo Somaliland iyo Somalia waxaana hambalyo buuxda u dirayaa shacabka reer Somaliland ee gartay in ay la hadlaan walaalahooda si looga raali galiyo tabashooyinka ay tabanayaan.”ayaa ka mid ahaa hadaladii Sheekh Shariif Sh. Ahmed.

Sidoo kale Maamul-goboleedka Putlanda ayaa guuldarro ku tilmaantay go’aankii geesiminadda lahaa ee ay qaadatay xukuumadda Somaliland  isagoo mar walba laf-dhuungashay ku  ah Somaliland “Aniga iyo Siilaanyo shirka Burcad-badeedka ayaa isku gacan qaadnay, kulan Shariif iyo Siilaanyo mid gaar ah buu ahaa oo dawladda Imaaraadka Carabta ay isa tusisay, Siilaanyo wuxuu rabaa Ictiraaf, Shariifna olole doorasho ayuu Madaxweyne ku rabaa in mar kale ku noqdo, kulankaas wuxuu ahaa mid labadooda gaar ahaa oo aan dan Soomaaliyeed ku jirin”ayuu ku calaacalay Faroole.

Dhinaca kale Maamulka Galmugud oo badanaaba la safta maamul goboleedka Puntland ayaa isaguna iska indho-tira xaqiiqadda ka jirta Somaliland iyo adkaynta nabadgeliyadda ka tisqaaday Somaliland iyagoo badanaab ku beerlaxawsadda Somalilan inay ka mid tahay maamulka u hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo aan higsan halka ay Somaliland marayso, taasoo Somaliland ka dhigaysay dawladda ay nidaamkeedii dawladdeed dhamaystirtay oo leh kala dambayn iyo nidaam ku dhisan qaran ka soo gudbay qalaalaase iyo dhibaatooyin oo qabsadday doorashooyin kala duwan.