Beerahayagii Ceelbardaale iyo Xamarta Ayaa 20 Sano Lanaga Haystaa oo Nabad iyo Walaalnimo Aan ku waynay

Waxan rabaa inaan umada Somaliland ee samaha jecel u yara iftiimiyo Khilaafka Ceelbardaale iyo dhab ahaantiisa. Samaroon wuxu isku raacsan yahay intiisa badan in dhulkayaga ku yaala Ceelbardaale ilaa Deegaanada Xamarta ay iska haystaan oo aan laga hadal, Sanadkii 1988 ayuu beerahayagii iyo hantidayadii lanaga qixiyay oo Taliskii Afweyne iyo intii la socotay dharaar cad la wareegeen wixii hanti iyo aduun aan lahayn oo waliba la xasuuqay dadkayagii, cidii  qaadatayna hantidayadu waa cida nagu haysata dhulkayagii, cidina umay raacin ee waa la isa saamaxay. Balse markii dalkii lagu soo noqday ee nin waliba gurigiisii iyo beertiisii ku soo noqday ayay beesha Samaroon bilawday inay dhul balaadhsi samayso oo xitaa sheegato dhulkii hoos imanayay Degmada Gabiley oo ay ka mid tahay Cali Xaydh oo ciidamo beeleed keenaan, oo beeraahaygii iyo guryahagii dumay ee ku yaalay Ceelbardaale, Boodhka, Seemaal, Xamarta, Isha Gudban, Edegan, Cali Xaydh iyo Dooxa hogeed qabsadeen, Dadkayagiina Qaxootiytadii ayaa ka soo noqdeen intoodii badnayd sanadihii 1996 ilaa 2003. Markii ay is yidhaahdeen dhulkiinii ku noqda oo dib u yaqleela noloshiinii ayay qori lagala hor yimid. Fajac iyo la yaab ayay ku noqotay dadkii, Xukumadii Cigaalna maalin walba way sasabaysay oo ay lahayd dhulkiinii cidi idinkama qaadi kartee I suga aniga ayaa idin dejinayee. Sanadkii 1993 ayaa khilaafku bilaabmay markii dadkii ugu hreeyay ee qaxootiga ka soo noqday is yidhaahdeen ku noqda Ceel bardaale. Qori ayaa lagala hor yimid, Gollihii Guurtida ayaa yimid, Mudo dheer ayay fadhiyeen oo ay dhegaysteen Dacwadii labada Beelood, Dhulkii ayaa lanoo Xukumayay hadii aanu nahay Beesha Jibriil Abokor, Xukunkii markii la riday ee beesha Samaroon loo sheegay inay gardaro ku socdaan ayay diideen go’aankii. Xukumadii Cigaalna maalin kasta waxay odhanaysay beri ayaan filinayaa sidii ayuu  Alle ha u naxariistee Cigaal ku geeryooday. Iyada oo aan Go’aankaasi fulin ayuu khilaafkii soo xoogaystay 2009. Guurti aanay ku jirin labada beelood ayay Gollaha guurtidu u saareen, beesha samaroon cadayn qudha waa laga waayay oo meesha may keenin. Go’aankii Guurtida ee 1993 oo kale ayaa soo baxay, Xukumadii Daahir Rayaale ayaa Guurtidu ku amartay inay fuliso wuu diiday ka dib Odayaasha Sacad Muse ayaa u tegay waliba bahdilaad ayuu ugu daray odayaashii Sacad Muse markii ay Qasriga Madaxtooyada ugu tegeen ee ka codsadeen inuu fuliyo Go’aankaas, Gari Alle ayay Taqaanaaye, Beesha Samaroon Cadaalad daro ayay isku raacday inay diidaan go’aan kasta oo ka soo baxa cida loo xilsaaro. Umada Somaliland oo dhami markhaati ayay ka tahay Cadaalad darada ku habsatay beesha Jibriil Abokor (Reer Xareed). Odayaasha Reer Xareed iyo Jibriil Abokor geed dheer iyo mid gaaban ayay u fuuleen inay nabad ku raadiyaan dhulkaas oo ay ilaaliyaan beesha ay walaalaha yihiin ee Samaroon, si aanay walaalnimadoodu iyo jaarnimadu aanay u xumaan, balse beesha Samaroon way u badheedhay inay gardaro isku raacaan intooda badani.

Markii ay timid Xukumadii Silaanyo, Ciidamadii ayay ka soo qaaday Dhulkii la isku haystay, ka dib Silaanyo Xukumadiisu waxay ku dhaqaaqday inay kala furfurto beesha Jibriil Abokor iyo Reer Xareed gudihiisa si ay u gaadho waxa la yidhaa Qaybi oo xukun. Sheekha Muxumed ayay beesha inteedi kale ayay kala xaday oo munaafaqad kala dhex dhigtay si heshiis beena loo galo oo la iska ilaawo Xukunadii Guurtida. Heeshiis aan sal lahayn oo aan loo dhamayn ayay odayaal huteelada keentay. Madaxweynuhu waxay ahayd inuu caqli suuban isticmaalo oo uu fuliyo Go’aanadii Guurtida ee kala danbeeyay. Xukumadu dhinac qudha ayay xadhig iyo cadaadis saartay oo ah kuwa maanta dulman ee dhulkoodii xaq darada lagu haysto. Xukumadu Cadaalada iyo caqliga saliimka ah yaanay ka tegin.

Gacan ku dhiigle in la soo qabtaa waa daw, qofna ma taageerayo gacan ku dhiigle, Ilaahayna ha u naxariisto dadkii Khilaafkaas ku dhintay bilaw ilaa dhamaad. Hadallada Xukumada iyo Siyaasiyiinta qaar odhanayaan ee dhinaca qudha ah haka fiirsadaan, oo ka hadlaan waxa keenay mashaqada iyo Dulmanaha dhulkiisii ku waayay Nabad iyo Walaalnimo 20 sanadood. Dulmigu iyo Cadaalada daradu marka waxba lagaaga qaban waayo, waxan oo kale ayaa dhaca, dunida waa la iska yaqaanaa waxa keena falalka nuucaas oo kale. Marka beertaadii adiga oo arkayaa rag iska haystaan ee laguu diido inaad degto waxani inuu dhacayo waa la iska garanayaa, qofkii caqli saliim ah lihina wuu garan karaa xalkiisa. Xukumadu Nabad iyo Cadaalad ha ku raadiso Xalka Ceelbardaale, Cidna yaanay madaxa u salaaxin, qof walba Cadaaladu way u muuqataa balse hadii indhaha aad ka xidhato, Adiga ayaa lagu waydiin Maalinta Qiyaamaha.

Wa Bilaahi Tawfiiq

C/raxmaan Maxamed

Hargeisa-Somaliland