Beelaha Subeer Awal oo Doortay Guddi Qaabilsanaan Doona Horumarka Iyo Hawlaha Kale Danta Beelaha

Hargeysa (SLpost)- Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen xubno metelaya beelaha Subeer Awal  ayaa lagu doortay guddi ka kooban 17 xusbnood oo qaabilsanaan doona arrimaha beelahaasi gaar ahaan dhinaca horumarinta.

 Kulankan oo ka dhacay Maanta Hoteel Xaraf Ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Sulaadiin, Xildhibaano Ka tirsan Labadda Gole ee Guurtida Iyo Wakiiladda, Cuqaal, Waxgarad, Dhalinyaro iyo haldoorka Beesha Subeer Awal.

Waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha guud ee Beelaha Subeer Awal Cali Aadan Samatar oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Qodobka ugu horeeya waxa weeyaan sidii la isu bari lahaa labadda beelood ee Ciise iyo sacad, waxaanan jecelahay in aan halkan uga mahad celiyo labadda nin ee beelaha gudida u ahaa ee xaaji muuse io xaaji cabdiqaadir ilaahayna waxa aan ka baryaynaa in uu miisaanka xasanaadka u saaro shaqadaas fiican ee ay u qabteen sidii ay tolkood meel isugu keeni lahaayeen”” ayuu yidhi guddoomiyaha guud ee beelaha Subeer Awal.

 Guddoomiyeha Beelaha CIISE MUUSE Xaaji Muuse Ciise Abokor (Muse Dalab) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad u tahay in kulan caynkan oo kale ah ay isugu yimaadaan beelaha subeer awal “Waxa aan idiin sheegayaa beesha halkan fadhidaa dhismihii dalkan, marka laga yimaado dagaalkii iyo dib u xorayntii, waxa aan idiin sheegayaa in shirkii burco, kii sheikh iyo kii boorama waxa aan leeyahay reerkan ayaa bixiyay, bal ninka wax sheegaya ee leh anaga ayaa bixinay ha soo baxo.

Waxa kale oo aanu idiin sheegayaa in markii ay dawladdan la dhisayay, lacagtan jeebabka inooga buuxda daabacadeedii inta ugu badan Habar awal ayaa lahayd” ayuu yidhi.

Waxa kale uu Xaaji Muuse xusay in aanay beeshoodu ahayn mucaarad, balse ay tahay muxaafad “Waxa aanu halkan idiinka cadaynaynaa in aanaan mucaarad ahayn balse aanu wada nahay muxaafad, dadka lagu baadhanayana waxa aanu leenahay naguma jiro wax mucaarad ahi” ayuu yidhi.

Waxa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha beelaha Sacad Muuse Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, waxaanu yidhi, “Waxa aynu halkan isugu nimid sidii aynu nabad iyo wax wanaagsan isugu gargaarsan lahayn, jaararkeena wanaagaasi ugula noolaan lahayd, intaasi cidii ay cadho gelinayso ama naxdin gelinayso loo joojin maayo, waxaanan ku hadlayaa afkii Beelaha Sacad Muuse” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in loo baahan yahay sidii ay beeshu u midoobi lahayd isla markaana xidhiidhkooda u muujin lahayd “waxa aynu isugu nimid sidii aynu danaheena uga wada hadli lahayn, markaa waa in aynu wax kasta oo wanaagga ah u midoowno” ayuu yidhi.

Xilidhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in beesha Subeer Awal ay tahay mid muxaafad ah, isla markaana aan marnaba loogu soo hagaagi doonin mucaaridnimo “Waxa aan doonayaa sidii horeba loo sheegay in aan maanta halkan ka cadeeyo in Beesha Subeer Awal aanay ahayn mucaarad, balse ay tahay mid muxaafad ah oo ka shaqaynaysa danaha dalkan iyo dadkanba” ayuu yidhi.

Xildhibaan Saleebaan Cabdi Garas oo halkaasi ka hadlaya ayaa gudida qaban qaabadda shirkan uga mahadceliyay sida fiican ee ay isugu yeedheen beelaha subeer Awal, waxaanu yidhi “waxa aan halkan uga mahad celinayaa guddida casuumadda samaysay, waxa kale oo aan guddida ku hambalyaynaa sida fiican ee ay xukuumadda u barbar taagan yihiin, waligeedna waa barbar taagnaanaynaa xukuumada.

Magaca subeer awal waa reerkii waxqabashadda lahaa, waana reerka yaala halka dalkan dhaqaalihiisa ugu badan laga soo saaro, wixii naga dhimana waxa aanu leenahay waa raadsanaynaa”” ayuu yidhi.

Gabo-gabadiina Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi suldaan Cabdiraxmaan, waxaanu uga mahad celiyay dhamaanba dadkii madashaasi ka soo xaadiray sida quruxda badan ee ay uga soo xaadireen.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ““Runtii farxad weyn bay ii tahay in aan idin kala soo qayb galo shirkan quruxda badan ee ay isugu yimaadeen gudiyadii beelaha subeer awal, kaas oo salka loogu dhigayo waxyaabihii mudada dheer laga soo shaqaynayay, waxa kale oo ii sharaf ah in aan arko beeshii oo wanaag gacmaha isu qabsata.

Waxa la isweydiin doonaa taloow beesha habar awal maxay u sameysteen guddiyaddan, waxa aanu leenahay wanaag ayaa loo sameeyay, hawlaha qarankana in aynu kaw ka noqono mooyaane laba ka noqon mayno.

Xukuumada maanta dhisan ee odayadii iga horeeyay ay sheegeen, waa tii aanu cumaamadaba u dhiganay, dhawaaqii ugu cuslaa waxa uu ahaa kii beesha subeer awal ay ku taageertay in markan la saaro kursiga Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweynuhuna waa inankeenii, bal ilmo aad dhashay ka waran, wixii wanaag ah waa ku taageeraynaa, wixii ay khaldan tahayna warbaahinta u marin maynee waa waa saxaynaa, beesheenuna waxa ay saaxiib la tahay beelaha Somaliland oo dhan, waxba yaynaan codka isugu ridine beesheenu waa beesha lagu soo hirto.

Waxaanan idinku dardaarayaa in wada jirkaasi aynu ogaano oo aynaan ka daalin”” ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay wada hadalka Somaliland iyo Somalia waxa uu yidhi “”Waxa la hadal hayay wada hadalka Somaliland iyo Somalia, waxa aan odhan lahaa waxba inagama dhaxeeyaa, waxa aynu uga fadhinaa dawlada Somalia in ay qiraan in Somaliland ay tahay dal xor ah oo cagihiisa ku taagan, markii horeba anaga ayaa idiin keenay oo waxa aynu kala ahayn laba dal oo walaalo ah, waxaanan idin ka baryaynaa in aad qirtaan Jamhuuriyadani in ay imkaaniyaadkii oo dhan leedahay isla markaana ay tahay mid aan bani aadam u baahnayn ilaahay mooyaane”” ayuu yidhi.

Gabogabadiina waxa halkaasi lagu doortay guddida beelaha Subeer Awal, kuwaas oo ay magacyadoodu kala ahaayeen.

1. Cali Aadan Samatar Guddoomiye

2. Saleebaan Jaamac Jibriil guddoomiye ku xigeen

3. Mooge Cali Yuusuf Afhayeen

4. Cabdikariin Jaamac Cawaale Xubin

5. Siyaad Cali Saamir

6. Maxamed Cabdilaahi Mire

7. Cumar Yuusuf Siciid

8. Jaamac Rooble Xirsi

9. Caaqil Cali Maygaag Muuse

10. Cabdilaahi Xaaji Aadan

11. Axmed Xaaji Nuur

12. Maxamed Axmed Xuseen

13. Sheekh Xasan Axmed Yoonis

14. Caaqil Axmed Caaqil Yare

15. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil

16. Xuseen Ismaaciil Bookh

17. Axmed Ismaaciil

SLpost News/Hargeysa