BEELAHA GABOOYE oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Haldoorka Dalka uga Ashkatooday Mid ka mid ah Beelaha Somaliland oo ay Tabasho ka tirsanayaan

Suldaan-Nadiif
Suldaan Nadiif Siciid Jibriil – Suldaanka Guud ee Beesha Madhibaan (Gaboye)

Hargeysa (SLpost)- Wax-garadka iyo Madax-dhaqameedka Beelaha Gabooye, ayaa madaxweyne Siilaanyo iyo Goleyaasha dalka uga cawday mid ka mid ah Beelaha waaweyn ee Somaliland oo ay ka sheegteen tabashooyin la xidhiidha Quudhsi iyo in lagu xad-gudbayo Xuquuqda Muwaadinimo ee ay dalka ku leeyihin

War-qad Furan oo xambaarsan tabashooyinka Beelaha Gabooye ee Somaliland ayaa lagu socodsiiyey madaxweynaha Somaliland, halka Ogeysiinna la siiyey Goleyaasha sharci-dejinta, Culimo’aw-diinka, Madax-dhaqameedka Beelaha dalka, Hay’adaha Xuquuqal Iinsaanta iyo warbaahinta dalka.

Waraaqdan oo ay ku saxeexan yihiin Salaadiinta Guud ee Beelaha Gabooye, kuna taariikheysan maanta oo bishu tahay 8-da April,  isla markaana xambaarsanna magaca Cidda ay ka cabanayaan iyo tabashadooda, ayaa u qornayd sidan:

“Mudane Madaxwayne,

Anagoo kuu hayna ixtiraam farobadan kana mid ah muwaadiniintii ku dooratay, duruufaha islaanimada iyo aadaminimada ka baxsan oo aanu u adkaysan waynay oo ay noogu awood sheeganayso beesha Reer Dudub magaalada Boorama ayaa nagu khasbaya in aanu qaylo dhaantan culus kuu soo jeedino.

Mudane Madaxwayne, anagoo ah Salaadiinta hoos ku qoran ahna hogaamiye dhaqamadkii beelaha Madhibaan iyo Tumaalo ee degta magaalada Boorama, waxana Madaxwaynu mashaqadu ka dhacday wiil uu dhalay sarkaal Booliska Somaliland ka tirsan oo la yidhaa Cabdiqaadir Cabdilaahi Cali kaasi oo ahaa dambi baadhaha saldhiga Booliska badhtamaha ee Boorama ayaa caashaqay gabadh Gabooye ah oo ay jaar ahaayeen, markii wiilkaasi u soo bandhigay qoyskiisii in uu guursanayo inanta Gabooye, si adag ayay ugu diideen, kabacdi wuu isgubay, waanu dhintay.

Sarkaalkii Booliska ahaa ee dhalay marxuunka EEBE ha u naxariistee, wuxuu xidhxidhay 6 ruux oo Gabooye ah oo ay ku jiraan inantii Gabooye ee wiilka isgubay jeclaaday, Aabaheed, Walaalkeed iyo 4 ruux oo kale oo Tumaalo, Yibro iyo Madhibaan ah, dadkaasi waxa uu ku eedeeyay in wiilkiisii ay gubeen, waxanu xabsiyada Boorame ugu xidhnaayeen iyadoo aan maxkamad la horkeenin mudo 10 bilood ah, kiiskiina isagaa dambi baadhe ka noqday, ugu dambayntiina 6 eedaysane Maxkamada Gobolka Boorama ayaa la horkeenay, iyadoo Maxkamada aan la horkeenin wax maragyo ah oo cadaynaya in wiilkiisii ay gubeen dadkaa eedaysanayaasha ah ee Gabooye ayay Maxkamadii xukun ku riday 2 wiil oo midi uu la dhashay inantii wiilka isgubay jeclaaday midna uu yahay Tumaal 4tii kalana way sii daysay Maxkamada Gobolka Awdal.

Kadib, Mudane Madaxwayne, xukunkaasi cadaalad darada ah waxanu ka qaadanay Racfaan, 7/1/2014 ayay Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal oo ka koobnayd shan Garsoore ayaa kiiskii dib u dhagaystay waxana ay xukun ku soo saareen in ay burisay Maxkamada Racfaanku xukunkii dilka ahaa ee 2 wiil ee Gabooye ay Maxkamada Gobolka Awdal ku xukuntay iyo xadhig 3 sanadood ah oo laga soo bilaabayo maalintii ugu horaysay ee la xidhay, iyadoo maxkamda Racfaanku sheegtay in dambiyadii lagu xukumay ay ku cadaan waayeen.

Mudane Madaxwayne mudadaasi uu kiiskani maxkamadaha dalka ku jiray Hogaamiye dhaqameedyada Gabooye ee ka soo kala jeeda dhamaan gobolada dalku iyagoo wada socda tiraba seddex jeer ayay Kiiskan u tageen Boorama oo ay la kulmeen dhigooda Reer Dudub Iyo Samaroonba waxana ay waydiisteen waar 40 nin oo Gabooye ah oo Salaadiintayadanina ku jirta KITAABKA ALLE nagu dhaarsada in aanaan wiilkaasi Gabooye Gubin, ama idinku 40 nin noogu dhaarta in aanu anagu gubnay oo waanu qaadanaynaa oo dhaarta ILAAHAY ayay noogu dhantahaye, Odayaashii reer Dudub gaashaanka ayay ku dhufteen ergooyinkaasi salaadiinta Beelwaynta Gabooye ee Somaliland ula tageen, Mudane Madaxwayne waxana marag iyo markhaati ka ah ergadayadaasi madaxda xukuumada ee Gobolka Awdal oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Aayar iyo Taliyayaashii Booliksa ee Gobolka Awdal iyo magaalada Boorama.

Sarkaalka Booliska ah ee wiilka isgubay dhalay iyo tolkii waxay culays saareen Maxkamadii Racfaanka ee Gobolka Awdal ee dilka ka jabisay dhibanayaasha Gabooye, waxana la yaab nagu noqotay kadib markii Maxkamadii 7/1/2014 xukunka ka soo saartay kiiskayagu ay dib noogu yeedhay maalin kadib 9/1/2014 oo ay markale hadana xukun kale ku dhawaaqday kaasi oo ah in ay Maxkamadu noo sheegtay in ay dhaarisay wiilka isgubay aabihii oo ah Sarkaalka Booliska ah Cabdiqaadir Cabdilaahi Cali, oo ah masuulka awooda reerkiisa iyo awooda shaadhka dawladeed ee uu xidhanyahay noogu gabood falay kaasi oo isagoo aan cadayn iyo maragyo toona aan Maxkamadaha keenin ku qasbaya cadaalada Somaliland in isagu sida uu rabo loogu xukumo. Ugu dambayna Maxkamaddii Racfaanka ee maalin ka hor dilkii ka jabisay 2 wiil ee Gabooye waxay hadana nagu xukuntay in aanu bixino 100 halaad oo Geel ah oo socda.

Mudane Madaxwayne, xukunkaasina waxanu Maxkamada Sare JSL uga qaadanay racfaankii aanu xaqa u lahayn. NASIIB DARO, awaamiirtii Maxkamada Sare ee JSL u dirtay Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal ee ay ku amartay in Galka Dacwada ee laga soo racfaan qaatay in ay ku soo wareejiyaan Maxkamada Sare una soo diraan.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal oo lagu magacaabo Boosniya, amarkii maxkamada Sare si toos ah ayuu u diiday in uu Galka Dacwada aanu ka racfaan qaadanay ku soo wareejiyo Maxkamada Sare, diidmadaasi oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare JSL la soo  gaadhsiiyay isagoo af iyo qoraalba mar kale ku amray in ay soo wareejiyaan Galka Dacwada waxanu gudoomiyaha Maxkamada Sare wareejinta galka dacwadan si gaar ah ugu xilsaaray Gudoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare oo ka soo jeeda Gobolka Awdal _________, nasiibdaro Gudoomiye ku xigeenkii Maxkamada Sarena waxa uu doraad noo cadeeyay in uu soo wareejin kari waayay Galkii Dacwada isagoo noo cadeeyay in Beesha reer Dudub isaga ku eedaysay in uu kiiska Hargeysa u wareejinayo.

Mudane Madaxwayne markii arinku halkaa marayo ayay odayaasha iyo Cuqaasha Beesha Reer Dudub ee faraha iyo awooda noogu awood sheeganaysaa xalay warbaahinta dalka ku baahiyeen qoraalka halkan ku lifaaqan kaasi oo ay si ka baxsan nidaamka cadaalada dalka ugu weerarayaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Yuusuf oo ay leeyihiin “waxaan cambaareynaynaa Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka  oo ku kacay arrimo iska horkeenaya  annaga iyo beesha dhibaatada geysatay, kuwaasoo dhallinyaro ka mid ahi dab qabadsiiyeen marxuum la odhan jiray Cabdiqani Cabdiqaadir Cabdilaahi Cali, laguna naaneysi jiray Caydiid markay taariikhdu ahayd 24/12/2010. Waxa kale oo ay sheegeen Odayaasha dhaqanka ee reer DUDUB in haddii Gudoomiyaha Maxkamada Sare faraha kala bixi waayo in farogalintiisu, ay ku khasbi doonto beesha reer DUDUB in ay qaado  tallaabooyin kale, taasi oo aanu u aragno tahdiid xaqa nolosha ah oo ay beeshaasi Samaroon ku ugaadhsan doonaan beelaha tirada yar ee la dega Boorama.

Mudane Madaxwayne waxanu halkan adiga iyo hay’adaha qaranka (golaha Baarlamaanka iyo Garsoorka, culimada diinta, Salaadiinta Beelaha dalka Somaliland oo dhan wada dega, waxgaradka dalka iyo dhamaan bulshada Islaamka ah ee Somaliland halkan uga cadaynaynaa cadaalad iyo gabood falada aadaminimada iyo Islaanimada ka baxsan ee beesha Reer DUDUB oo ka tirsan beelwaynta Jibriil Yoonis ee Samaroon ay ku hayaan beelaha Gabooye ee farokutiriska ah oo la dega magaalada Boorama, iyadoo horeba uu kiiskani saamayn xun uu ugu yeesha dadka Gabooye ee ku nool Boorama oo qaarkood 3 sano ka hor markii Sarkaalka Booliska ah ee wiilka isgubay dhalay uu nagu eedeeyay wiilkiisa isgubay in aanu anagu gubnay, in ka badan 150 ruux oo gabooyaha Boorame ah ayaa baqe ay ka baqanayaan ninkaa booliska ah iyo qabiilkiisa haatan nolol xun ku nool magaalooyinka Hargeysa iyo Burco qaarkoodna waxay u firdhadeen xeryaha qaxootiga Itoobiya iyo Jabuuti.

Waxa kale oo aanu Madaxwayne Salaadiinta Beelwaynta Gabooye kuu cadaynaysaa in aanu si buuxda ugu kalsoonahay Maxkamada Sare JSL oo sidii sharciga dalku dhigayay u wada kiiska iyadoo Gudoomiyaha Maxkamada Sare uu si buuxda isugu hawlay dhaqaajinta dacwadan iyo soo wareejinta Gal dacwadeedka Boorama ay ku haystaan Garsooraha ah Gudoomiyaha Maxkamada Awdal oo ay qaraabo yihiin Sarkaalkan Booliska ah ee tacadiga ku haya beelaha la takooro ee magaalada Booramah degan.

 MADAX-DHAQAMEEDKA BAAQA DIRAYA

  • Suldaan Nadiif Siciid Jibriil – Suldaanka Guud ee Beesha Madhibaan (Gaboye)
  • Suldaan Baashe Cilmi Aadan – Suldaanka Guud ee Beesha Tumaalo (Gaboye)
  • Caaqil Khadar Xuseenn Jaamac
  • Caaqil Siciid Cilmi Geedi
  • Caaqil Farxaan Mahdi Maxamed
  • Caaqil Cali Maxamed Maxamuud