Basaslayaasha isaga Goosha Caasimadda oo Xukuumadda ugu baaqay wax ka qabashada Sicirka Shidaalka oo Cirka isku shareeray

Hargeysa, 16 April, 2012 (SLpost)- Gudoomiyayaasha Iskaashatada Basaska Waaweyn ee caasimada Hargeysa Xuseen Axmed Maxamuud iyo Basaska yaryar ee iskaashatada DALMAR Mr Craxmaan Maxamed Cali, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiskooda waxa ay kaga warameen kor u kaca sicirka shidaalka oo ay sheegeen in uu si xad dhaaf ah kor ugu kacay, waxaanay ugu baaqeen Xukuumadda in laga howl galo sidii wax looga qaban lahaa.

Gudoomiyaha iskaashatada Basaska Waaweyn ee caasimada Hargaysa Xuseen Axmed Maxamuud, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in sicirka shidaalku uu kor u kacay , kaas oo uu xusay inuu gaadhay heer aad u sareeya.
Guddoomiyuhu wuxuu xukuumadda u soo jeediyey inay dedaal u gasho sidii ay xaaladan sicir bararka shidaalka wax uga qaban lahayd. Waxana uu soo jeediyey in ay lagama maar-maan tahay in ay xukuumadu u samayso kaalmo gaar ah taas oo uu xusay inay wax lagaga qaban karo sicir bararka shidaalka.

Gudoomiyaha iskaashatada Basaska yar-yar ee Dal-mar ee magaalada Hargeysa C/raxmaan Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Basas ay iyagu u adeegaan shacabka, sicir bararka shidaalka ee ku yimaadaana aanu taabanayn Basaska oo keliya.

ayuu yidhi balse uu yahay mid taabanaya Shacabka,isaga oo tilmaamay in Basasku ay shan sanadood ka hor kordhiyeen nooliga ay dadka ku qaadaan oo aanu ka dhignay ayuu yidhi 1500/SL.sh. maalintaasina shidaalku waxa uu ahaa ayuu yidhi tobankiisa litir 42 Kun maantana waxa uu nagu marayaa 72 Kun tobankii litir ,taasoo uu halkii litir noqonayo toba kun oo shilin.

Cabdiraxmaan Maxamed waxa uu sheegay in ay u adeegaan bulshada iyo Ardayda kala duwan oo maalintii ay ilaa sideed kun oo arday ah dugsiyada Geeyaan. Sidaasi awgeedna ay kaalin muhiim ah kaga jiraan adeega Bushada. Waxaanuu intaa raaciyey inay ku adkaatay inay dadkii noolkii ku kordhiyaan,geesta kalena ay dhibaatada sicir bararka shidaalku gaadhay meel aanay xamili Karin. Waxa uu u soo jeediyey xukuumadda inay arrintoodan hoos u eegaan si xal loogu helo dhibaatadan haysata ee kor u kaca qiimaha shidaalka ee deg dega ah.

SomalilandPost News

contact@somalilandpost.net