“Basaaskii Gaani Ee UFO $6000 Siistay, Ayaa Axmed Mire Wax Ka Sheegi Kara”Cali-guray oo Eedeeyay Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SL.Post) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo daba socda hadalka Guddoomiyaha UCID aadna u dhaliilsan, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey mareegtiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Faysal Cali Waraabe aanu gaadhi karin Axmed Mire oo uu ku tilmaamay Mujaahid dalkan iyo dalkan qiimo abdan ku leh oo sida uu hadalka u dhigay Markii Faysal Cali Waraabe UFFO basaasayay isagu (Axmed Mire) ahaa ninkii dalka xoraynayay. Sidoo kalena Axmed Mire yahay kii xoreeyey dalkan uu maanta Faysal wax ka noqday.

 

 

 

Cali Guray oo lahjad adag u isticmaalay qoraalka uu kaga jawaabay eedaha Faysal Cali Waraabe u jeediyey Axmed Mire aadna u dhaliilay Faysal Cali Waraabe sidoo kalena ku ammaanay qoraalkiisa Mujaahid Axmed Mire ayaa waxa uu qoraalka Cali Guray u dhignaa sidan: “Axmed Mire Ma Basaaskii Gaani ee UFO $6000 siistay baa wax ka sheegi kara.

 

 

Colkii SNM ee Burco 27 May 1988kii galay baabu hogaaminayay eh. Ha la yaabin laakiin maanta nin waliba waa nin lakiin shalay nin waliba nin muu ahayn. Rag la lahaa oon haye mooyee maya odhan karin baa jiray. Lakiin Faysal wuxu ragga dheeraa Isaaq lacagta laga qaado oo bixiya ayaa badnaa isagu kuwaa la siiyo ta Isaaqa laga qaado ee Isaaqa ku basaasa ayuu ahaa. Maantana Axmed Mire ayuu wax ka sheegayaa saw baqashii fardaha la daaqday ee faraska is mooday uun maaha. Waar ha na haybsan anaga nama gaadhida hadaad nin raga tahay shalay baad wax iska celin lahayd markaad GAANI basaaska u ahayda.

 

 

 

Tan uu ku faaqay uu ku kibray raggii ku dagaalamay ee uu xoreeyay inuu ka xashoodo ayay ahayd inuu afkiisa la galo may ahayn lakiin cidda dambaysa ee halkii Gaani ugu jirta waa la yaqaan. Isagu wuxuu u baahan yahay cid adeegsata uun dawlad xumina Faysal kama maaranto oo waa astaamaha lagu garto. Madxwaynayaasha wuxuu col la yahay inta aanay u gacan haadin eenay waxoogaa u laabin ee la hawlgelin. Lakiin bal idinku ka sheekeeya ka isaga oon Madaxwayneba noqon durtaba markii la yidhi Musharax baad tahay Faysal mee yidhi ee soo ciyaarsiiyay. Hadii la doorto dadkaba aniga guulwadayaal ha ii noqdaan buu odhan lahaa cidda diida toogta iyo soo xidha ayuu odhan lahaa.” Ayuu yidhi Cali Guray.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa