BAROOR-DIIQ: (Ma Baxay Halyeygiyo Halgamaagii Gaariye!)

Illaahay geerida iyo masiibooyinka kaleba haynaga furdaamiyee, sanadkan 2012-ku waa sanadkii murugada xagayga, waayo waxa iga baxay dad badan oo noloshayda qiima weyn ku lahaa. Isniintii oo ay taariikhdu tahay 1/10/2012 ayaa iyana noqonaysa maalin mugdi iyo madaw badan oo lasoo deristay dhamaan ummada afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan reer Somaliland oo uu ka baxay
udub-dhexaadkii suugaanta Abwaan iyo Mujaahid Maxamed   Xaashi Dhamac Wacays (Gaariye). Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu janadii fardowsa inoo geeyo; aduunyo qiima malahee, inagana inaga yeelo kuwii ku cibra qaata aamiin.

Hoogtooy adduunyooy
Habeen looma hoydaay
Habaas iyo mur dacareey
Habaw iyo jid dheereey
Dadka kii haybadliyo
Hanadkaba il-duufaay
Doqonkiyo hangoolkiyo
Dadka kii hilmaamaba
Hore uma hujuumtide
Ma baxay halyeygiyo
Halgamaagii Gaariye!

Halgan iyo dagaaliyo
Hantaaqadii shalaytiyo
Imisuu hayaan dheer
Usoo huray dadkiisoo
Hawraarta maansada
Iyo hadalkiisa toolmoon
Ugu hidiyay dumarkiyo
Habaqlaha la duudsiyay!

Imisuu haraatiyo
Hareef iyo dhibaatiyo
Hanjabaad usoo maray
Dulmi ruux hadhsanayoo
Ku halaanhalay xaqiisii!

Imisuu haweenkiyo
Dulmanaha u hiishoo
Heeggan ugu jiray!

Imisuu heelladiyo
Heemaalka dhaqankiyo
Ku habay jidkoodii!

Imisuu hadhuub-gaal
Hami ugu dabooloo
Aduunyada hadheeyay!

Imisuu halyey iyo
Soo saaray hanadoo
Hididiilo xoogliyo
Afka hooyaba baray!

Geeridu haq weeyee
Hayin lagu badhaadhiyo
Dadka kii hadheeyiyo
Kol hadii abwaankiyo
Naga baxay halyeygii
Maansadii haldoorkiyo
Heesihiisa guunkiyo
Hogga-tusaalihiisiyo
Higaadiyo afkuu qoray
Ardayduu hanuunshiyo
Da’ yartii ku heesaan
Gaariye wuu hoydee
Magaciisii muu hadhin!

Haddaan galiilyadiyo
Baroortaba hadaltiro
Dumarkuna hengel iyo
Hagoog wada xidhaan
Waxba maan hagaajine
Ducaan ku huwinayaa

Allow su’aalaha hadhee
Qabrigiyo hadhowtaba
Ku haddee jawaabtoo
Hore hore u garansii

Allow hoy wacaniyo
Haweenayda jannadiyo
Ku casuum halkii roon

Allow durdurkiyo haraha
Hareeraha fardawsiyo
Ku hagaaji meel wacan

Hal-abuurre: Khaalid Kileesh
Email: kooshin955@gmail.com
Hargeisa, Somaliland