BARO LUUQADDA COLOWE EE BEELAHA GABOOYUHU KU HADLAAN

Luuqada Gabooyuhu waxa ay ka mid tahay luuqadaha lagaga hadlo Qaraada Afrika, sida lagu daabacay” Journal of the African Society, No. xiii, October, 1904.”Sidoo kale J.W.C. Kirka oo ahaa sarkaal Ingiriis ah, joogayna Soomaalilaan ayaa qoraal u kaga hadlayey Naxwaha Soomaaliga kaga hadlay lahjad gaar ah oo ay leeyihiin dadka Gabooyuhu (Yibir and Madiban) Sannadkii 1905-tii. Wuxuu intaasi ku daray in ay jirto faraq u dhexeeya Soomaaliga iyo Colowe. Af-yaqaanka (linguist) Jarmalka ah ee la odhan jiray Adof Walter Schleicher ayaa qoraal u sameeyey sannadkii 1892-kii tilmaamay lahjada Gabooyuhuu ku hadlo. Luuqadani way dhammaystiran tahay, balse waxa ay baahan tahay in la baadho oo la qoro. Waxa aynu soo bandhigi

doonaa Erayo kooban, oo ku jira luuqada Colowe marmarna loogu yeedho Baaqdan. 

     Eray Colowe Macnihiisa

· Laawe……………………………………………………………Shaaha

· Yaxadh…………………………………………………………..Hilibka

· Bulaal……………………………………………………………Qoriga

· Kusotoym………………………………………………………..Kabaha

· Niiqataleh………………………………………………………..Doqon

· Shahar…………………………………………………………….Fiicnaan

· Aswaanta…………………………………………………………Inanta

· Ilqanta…………………………………………………………….Naagta

· Awinka……………………………………………………………Ninka

· Ku guurtada………………………………………………………Caloosha

· Makaa buur………………………………………………………Lacagta

· Ku shaan……………………………………………………………U-tag

· Ii facal……………………………………………………………….I-sii

· Yagool……………………………………………………………….Guri

· Bakhrin………………………………………………………………Timaha

· Dhabarda……………………………………………………………Rayiisle

· Faralaatayn…………………………………………………………Xiirimaad

· Ku lid……………………………………………………………….Dilka

· Ruufmo……………………………………………………………..Dhimasho

· Ka’Shaan……………………………………………………………Ka-Tag

· Bakhrin……………………………………………………………..Madaxa

· Bacraro……………………………………………………………..Dhagaha

· Ku Daaqeen……………………………………………………….Afka

· Dublayeenka………………………………………………….Qaarka dambe

· Cilaamo…………………………………………………………Lugaha

· Niiqdheer………………………………………………………Sigaarka

· Dhidar………………………………………………………….Tuuga

· Baydari…………………………………………………………Ugaadhsade

· Luduubiye……………………………………………………Xiniinyaha

· Eeri Fogaadka…………………………………………………Duleenka

· Cindan……………………………………………………………Jecel

· Tubaadiga………………………………………………………Geesi

· Tingaad…………………………………………………………Garanuugta Dhig

· Liig………………………………………………………………Garanuugta Lab

· Naska…………………………………………………………….Halkaa

· Awinhay…………………………………………………………Gabadh kale

· Shuruufinaysa……………………………………………………Xarogoonaysa

· Goyso……………………………………………………………..Midi

· Qabowsime……………………………………………………….Biyaha

· Indhiqlee…………………………………………………………..Eegmada

· Riin…………………………………………………………………Hilib

· Shaara………………………………………………………………Xoog weyn

· Ashkur……………………………………………………………..Naaxid

· Buuflay……………………………………………………………..Lo’da.

· Xardhane………………………………………………………….Subag

· Iftimo……………………………………………………………….Lacag

· Yabaar………………………………………………………………Iska waran

· Ofnaan………………………………………………………………Nabad

· Yacuun………………………………………………………………Odayga

· Soo shamay…………………………………………………………..Yimid

· Janaq………………………………………………………………….Kow

· Nihi………………………………………………………………….Laba

· Salaax………………………………………………………………Saddex

· Yahaab…………………………………………………………………Afar

· Gacan………………………………………………………………Shan

· Laba saalixood…………………………………………………..Lix

· Saamaq…………………………………………………………….Toddoba

· Laba yahaabood…………………………………………………..Sideed

· Laba gacmood………………………………………………………Toban

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Soomaalilaan.  

calicoomay@hotmail.com

 

Tix-Raac:

Wikipedia.org/Wiki/Madhiban

Ururinta Erayadan waxa aan ka qoray Khadar Xaashi Cali oo Hargaysa degan.