Barnaamijkii Kasmaal ee Shirkada SOMTEL Iyo TV-ga Qaranku Iska kaashadeen oo la soo gabo-gabeeyay

Shacbiga oo Barnaamijkan ku sifeeyay mid maskax dhis u ah garaadka dadweynaha

Hargaysa (SLpost)- Barnaamijkii loogu magac daray Kasmaal ee bisha Ramadaan ka socday Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa caawa lagu soo gabagabeeyay xarunta TV-ga Qaranka ee magaalada Hargaysa.

Barnaamijka Kasmaal waxaa soo saaristiisa si wada jir ah iskaga kaashaday Shirkada Isgaadhsiinta ee SOMTEL iyo TV-ga qaranka waxa dadweynuhu ay si furan uga jawaabayeen su’aalo aqoon guud ah waxaana lagu qaadanayay abaal marin lacageed oo lagu qaadanayay 3 Malyan oo shilin iyo Mobile ah nooca 3G-ga loo yaqaano.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay xidhitaanka barnaamijkaasi oo lagu qabtay xarunta Telefishanka Qaranka ee magaalada Hargaysa waxaa ka soo qayb galay maareeyaha shirkada Somtel Cawil Saciid Saalax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md Faysal Cali Sheekh, Agaasimaha Telefishanka Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul iyo toban qof ee iyagu ku guulaystay lacagtii saddexda milyan ahayd ee tartankaasi lagu helayay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Somaliland oo xidhitaankii barnaamijkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn shirkada Telefoonada ee somtel uga mahad celiyay sidii wanaagsanayd ee ay barnaamijkaasi u waday “Waxaan shirkada Somtel si gaar ah ugu amaanayaa in ay tahay shirkad dadwaynaha dib ugu celisa faa’iidadii ay ka heshay, waxaan shirkadaha kalena ku dhiiri gelinayaa in ay dadwaynaha wax dib ugu celiyaan, waxaan anigu ka mid ahaa dadkii sida gaar ah u xiisaynayay barnaamijkan (Kasmaal) iyada oo aan kormeeri jiray intii ay hawshiisu socotayba, waxaa kale oo Ana si gaar ah ugu mahad celinayaa hawl-wadeenadii barnaamijka oo ilaa toboba iyo toban qof gaadhayay kuwaasi oo iyada oo ay ramadaan tahay hadana si joogto ah oo aanu daal iyo caajis lahayn u waday muddadii uu socday, barnaamijkani dhan waxaa uu ka ahaa maaweelo dhana waxaa uu ka ahaa aqoon, run ahaantiina waxaa uu ahaa barnaamijkaasi mid si wayn u soo jiitay daawadaasha TV-ga.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

maareeyaha shirkada Somtel Cawil Saciid Saalax oo isna hadal ka jeediyay munaasibadii xidhitaabammijkaasi Kasmaal ayaa ka waramay u jeedooyinkii ay shirkadu ka lahayd barnaamijkaasi isaga oo sheegay in u jeedada koowaad ay ahayd sidii ay dib ugu celin lahaayeen shirkad ahaan faa’iidada ay ka helaan dadka reer Somaliland, iyo in ay soo bandhigaan heerka uu gaadhsiisan yahay adeegyada ay shirkadoodu bixiso gaar ahaana kuwa ugu casrisan, isaga oo xusay in dalal badan oo ka tirsan afrika iyo yurub-ba ay Somaliland kaga horayso dhinaca isgaadhsiinta.

isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Gaadhigaaga, gurigaaga, xafiiskaaga iyo meheradaadaba waad ku isticmaali kartaa telefoonka line-ka ah ee somtel, telefoonka gacanta ee Mobile-ka waxaanu jabinay qiimaha lagu hadlo anaga oo ka dhignay ka ugu hooseeya dalkeena iyo caalamka kaleba taasina waxay shirkadu u samaynaysaa in mujtamaca reer Somaliland oo intooda badan dhaqaalahoodu hooseeyo si ay uga wada faa’iidaystaan.”.

Cawil Siciid Saalax waxaa kale oo uu xusay in telefoonka line-ka ah iyada oo aan la isticmaalaynin xadhig iyo birro la taago midna ay bulshadu magaalada gudeheeda iyo dibadaba ku isticmaali karaan (Wirreles) isaga oo sheegay in adeegaasina uu yahay mid u gaar ah shirkada Somtel, maareeyuhu waxaa uu si aad ah ugu mahadceliyay dadwaynihii ka qayb qaatay barnaamijka iyo hawl wadeenadii dhinaca farsamada ka waday iyo sidoo kale dhamaanba masuuliyiinta kala duwan ee wasaaradda warfaafinta.

Barnaamijkaasi loogu magacdaray Kasmaal oo lagu qaban jiray xarunta TV-ga Qaranka ayaa ahaa barnaamij su’aalo lagu waydiin jiray qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo barnaamijkaasi ay habeen walba ka qayb geli jireen toban qof oo la waydiin jiray qofkiiba kow iyo labaatan su’aalood, qofkii kawada jawaaba kow iyo labaatankaa su’aaloodna uu heli jiray lacag dhan saddex milyan oo Somaliland shilling ah.

waxaa kale oo barnaamijkan ka mid ahaa qayb kale oo dadwaynaha aan ka soo qayb gelin barnaamijkaasi hal su’aal ah loogu soo bandhigayay macaamiisha isticmaasha telefoonka shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Somtel iyada oo fariin qoraal ah ay kaga soo jawaabayeen, qofkii si sax su’aashaasi uga jawaabana uu helayay xabad telefoonka gacanta ah, kaasi oo leh mid ka mid ah adeegyada ugu casrisan ee ay bixiso shirkada Somtel ee loo yaqaan 3G.

iyada oo muddadii uu socday barnaamijkani sodon qof lagu guddoonsiiyay Mobile-ka leh adeega casriga ah ee 3G, halka dadwaynihii iyagu su’aalaha sida tooska ah uga qayb kuwii sida saxda ah uga wada jawaabay kow iyo labaatanka su’aalood ay qaateen lacag dhan saddex milyan oo Somaliland shilling ah, halka kuwii ka jawaabay toban su’aalood ay qaateen laba boqol iyo konton kun oo Somaliland Shilling ah.

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ayaa si weyn ugu riyaaqay
Barnaamijkan oo ay kala socdeen TV-ga Waxaanay ku sifeeyeen barnaamij maskax dhis u ahaa dadweynaha isla markaana ay bulshadu isku tijaabinaysay garaadkooda iyo aqoontooda kala duwan.

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com

Editor@somalilandpost.net