Barnaamij Faafinta Mahdabka Shiicada ah oo Soomaaliya laga wado iyo Maamulka Muqdisho oo walaac ka muujiyey

Muqdisho (SLpost)- Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), ayaa walaac ka muujiyay barnaamij ku saabsan faafinta Mahdabta Shiicada ee Diinta Islaamka ku abtirsata oo Muqdisho laga wado.

Maayarka Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inay soo gaadheen cabashooyin ku aaddan arrintan oo sheegaya in Hay’addo iyo Ururo aan dawli ahayn oo huwan shaadh ah inay arrimo gargaar ka shaqaynayaan balse ku hawlan faafinta Mahdabta Shiicada.

“Waxaa jira cabashooyin ka imaanaya shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool, gaar ahaan culumada, abwaannada, aqoon-yahanka iyo dhaqanka, taasoo ah in Muqdisho waxaa ka socda mashruuc dadka madhabta Shiicada lagu barayo, waxaana howshan wada NGO-yo ku gabanaya inay arrimo gar-gaar wadaan, arrintaasna walwal ayay na gelisay,” ayuu yidhi Xasan Muun-gaab.

Mr Muungaab, waxa uu qaybaha bulshada iyo maamulka ku baraarujiyay in arrintaasi laga feejignaado “Hay’adaha amniga gobolka, guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, dhallinyarada iyo haweenka waxaa la farayaa inay ka hor-tagaan arrintan ayna soona qabtaan NGO-gii isagoo faraha kula jira la arko, waayo innagu Xamar ayaa xukunnaa in Shiico dadkeenna la barana ma aqbalayno. waayo waxaan awalba qaati ka taaganayn argagixisada ah, ma ogolaanayno in la keeno Shiico”.

Duqa Muqdisho, waxa uu sheegay inay wadaan baadhitaano dheeraad ah oo arrintan ku saabsan marka la gabogabeeyana war bixin rasmi ah laga soo saarayo, waxaanu intaasi raaciyay “NGO-gii lagu helo inuu Shiico Muqdisho ku faafinayo xitaa 1% sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan albaabbada ugu laabanaynaa, dalkana waa laga eryayaa,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in Faafinta Mahdabka Shiicada ee Soomaaliya uu yahay qorshe colaad lagaga abuurayo dalkaasi.

qaqaShacabka Soomaalida, ayaa ka tirsan Dunida Muslimka ee aaminsan Mahdabka Sunniga ee ku abtirsata Diinta Islaamka, taas oo ah ta ugu badan ee Caalamka Islaamka laga aaminsan yahay.

Waddanka Iiraan, ayaa ah dalka ugu badan ee laga aamisan yahay Mahdabta Shiicada, iyada oo dalal badan oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, Azerbaijan, Yemen, Pakistan iyo Sucuudigu ay yihiin meelaha kale ay ku nool yihiin Muslimiinta Aaminsan mahdabta Shiicada.

SOMALILANDPOST.NET