BARCELONA VS CHELSEA: Toban Ciyaartoy oo Reebay Kooxda Adduunka ugu Wanaagsan, una soo baxay Final-ka Champions League (SAWIRRO + VIDEO)

SLpost SPORTS – Kooxda Chelsea ayaa u soo baxday tartanka ugu dambeeya ee Horyaalka Kooxaha Yurub ka dib markii ay 2-2 isla dhaafi waayeen Barcelona oo lagu ciyaareyey garoonkeeda Camp Nou kulan ka tirsan is-aragga lugta labaad.

Kooxda tabobare Roberto Di Matteo oo kulankii hore ee Stamford Bridge ku badisay 1-0, ayaa si cajiib ah u difaacatay goolkeeda iyaga oo weliba ciyaarta laga saaray halyeyga kooxda John Terry oo ku khaldamay weeraryahanka Barcelona ee Sanchez, waxaanay nasiib u heleen inay u safraan magaalada Munich oo 19 bisha May, in kasta oo ciyaarta badankeeda ay ku ciyaarayeen toban ciyaartoy.
Kooxda Catalans oo iyaga gurigooda jooga u muuqday qaar aan wax goolal ah keensanayn, ayaa waxa u suurto-gashay inay ka faa’idaystaan kaadhkii casaa ee ciyaarta laga saaray John Terry, waxaana qaybtii hore ciyaarta u suurto-gashay inay keensadaan laba gool oo ay u kala dhaliyeen Sergio Busquets iyo Andres Iniesta oo labadoodu ka faa’idaystay booska laga fadhiisiyey John Terry taasina u muuqatay qaybta hore ee ciyaarta in kooxda Chelsea ay tartanka dibadda ka tahay.
Si kasta oo ay tahay, waxa rejadii Chelsea soo celiyey xiddiga reer Brazil ee kooxda dhexda uga ciyaara, Ramires, ka dib markii uu kubbad uu si qurux badan u jiitay uu dulmariyey goolhayaha Barcelona oo goolka dibadda uga soo baxay.

Dhanka kale, Lionel Messi ayaa iska cunay kubadda Rikoodhe ahayd wakhti hore oo ka mid ah qaybta dambe ee ciyaarta, iyada oo kooxda Chelsea ay gashay marxalad difaac ah, in kasta oo culays lagu hayey goolkooda inta badan ee ciyaarta.

Kooxda reer Spain, waxa ay ka quusatay rejadii ay ka qaybtay inay goolal keensato ka dib markii fursad baas uu bixiyey difaaca Chelsea ee Ashley Cole  iyada oo ciyaartoyga Barca ay ku jiraan weerarka afka hore ee goolka Chelsea, taasina sababto Fernando Torres oo dhexda jooga uu dabo-maro difaacii ugu dambeeyey ee Barca oo kubaddu dul-martay, waxaanu Torres fursad u helay inay isku kaliyeystaan isaga iyo Gool-wadaha kooxda loo martida ahaa, waxaanu halkaa ka dhaliyey gool qurux badan ka dib markii uu gool-wadaha la dhaafay kubadda, shabaqana ku hubsaday.

Waa habeen aanay ilaawi doonin kooxda Chelsea ka dib 10 ciyaaryahan oo ay ku difaacdeen guushoodii 1-0 ee ay ku soo gaadheen Stamford Bridge waxaana ay haatan ku soo baxeen wadar ahaan 3-2, waxaanay ka aargoosteen kooxda reer Spain guul-darradii ay mar-xaladdan semi-finalka  ku badday garoonkeeda sannadkii 2009kii oo wakhtigii lagu daray laga dhaliyey goolkii kooxda Caawa guulaysatay tartanka lagaga reebay wakhtigaas.

Chelsea ayaa finalka la ciyaari doonta kooxdii habeen danbe soo baxda Real Madrid iyo Bayern Munich, inkastoo ganaax ay kaga maqnaan doonaan ciyaartoy tayo leh oo ay ka mid yihiin John Terry, Ivanovic, Ramires iyo Meireless.

SLpost Sports
sports@somalilandpost.net