Barashaddii Khasaartay Qeybtii 2-aad

Miskiinka dhibkan baaxadda leh la deriskayahay,waa Ayaanle. Sidaynuhore usoo sheegnay waxa uu halkii sanno ee u danbeeyayba la baaxaadagayaa dareen-jacayl oouu u qaaday Inan (Gabadh) ay muddo dheer is-arag yaqaanneen,taas oo uu mar kaliya uun uu is-arkay isaga oo Laydh baaxad leh oo iyadda ahi sidato.Ayaanle, waxa u bilanaysa sannad-guuraddii 1-aad ee kasoo wareegtay markii uu ogaaday inuu Inanta si aan xad lahyn u jecel-yahay,balse nasiib-daradda jirta,ayaa ah in aannu wali si buuxda ugu guulaysan inuu arrinta kalsooniuga helo Inanta,si uu ugu tafaxaysto goosashadda Midhaha jacaylka uu u qabo Inanta.

Ayaanle,wax uu sameeyo wuu garan la’yahay,waxaana ku ciirtay tallo aan tiirsasho lahayn,taas oo wer-wer iyo wal-bahaar hor leh ku abuurtay. Ninkii Ayaanle ee fir-fircoonnaa ee sida fiican ula kaftami jiray asxaabtiisa ay isku shaqoda yihiin iyo kuwa ay wax-wadabartaan,ayaan hadda kii la yaqaanayba ahayn,waxaana kasoo horaysa cadhadda iyo xanaaqa,waxaana adag inuu si waafi kaaga jawaabo weydiin kasta oo aad ka dalbato.Waa maqanne joogga,kaas oo aan si buuxda musawir tolmoon uga bixin karrin waayaha la deriska ah.

Maalin maalmaha ka mid ah,ayaa waxa uu u taggay saaxiib ay iskugu danbasay xiligii Dugsigga Hoose/Dhexe,kaas oo hadda isagu xaasle ah oo uu ogaaday inuu dhawaan Dalka yimid,waxaana uu ka quud-daraynayaa inuu ugu yaraan ka helo xal uu ku furdaamiyo dhibkan baaxad leh ee haysta,isla-markaasna uu si furran uu ugu warramo xaaladda uu ku suggan yahay hadda.

Ka dib markii sallaan iyo soo-dhawayn lays wedaarsaday,Ayaanle waxa uusi aan leex-leexasho lahayn u gallay Dalabkii uu ugu yimid saaxiibkii,isaga oo raba dhinaca kalena innuu dareen-siiyo in aannu shaxaad-doon ahayn ee uu daawo-doon yahay,sida inta badan ka dhex-dhacda Mujtamaca Somalidda oo qofka dibadda ka yimaadda marka uu soo deggo uu qof kasta oo Ehel iyo asxaaba ay ahaayeen uu isku dayo inuu xaqu-jeeb yar kasoo qaato.

Ayaanle,ayaa waxa uu hadalkiisa ku Ibo-furray “Saaxiib Cumar,muddo aad u dheer ayaynu is-mooganayn,waana wakhtigga iyo dabeecaddihiisa.Dee markii aynu Ardayda ahayn anniga ayaa kaa dheeraaye,hadda anniga ayaaba caruur kuu noqonaya (kaftan ay dhoola-cayni weheliso).Saaxiib,kollay su’aalaha Bulshadda ayaa kuugu badan oo haddaba waxaan arkayay qaar baahiyo badan kuu sheeganaya,ILAAHAY uun baa Umadda dhergin kara oo gacan bini’aadam laguma haraad baxo,markaas annigu waxaan kuugu imid maanta arrin taas ka duwan,taas oo aan is-idhi saaxiibkaa Cumar waa cidda kaliya ee arrintaas kula furdaamin karaysa haddii ILAAHAY waafajiyo ama ugu yaraan xal aan sidaan hadda ahay kaga roonaaddo ii sheegi kara”. Ayuu yidhi Ayaanle oo saaxiibkii hordhac koobban ka siinaya ujeedka uu maanta ugu yimid. Cumar,waxa uu ku yaqaannay Ayaanle inuu ahaa shaqsi aad u dun-wanaagsanaa,kaas oo xattaa waaggii Ciyaal-nimo uu ahaa qof ka tilmaaman dhalinyaradda,isla-markaasna ahaashaqsi inta badan jecel dedaalka iyo innuu qofku meel sare higsaddo,waxaana uu hadda si wanaagsan u xasuusanyahay tilmaammo iyo tallooyin meel mar ah oo uu ka guntay wakhtigii arday-nimmo oo hadda ugu yaraan laga jooggo 15 Sanno. Intii uu Dalka ka maqnaana sifiican ayuu dushaugala socday xaalka Ayaanle,waxaana inta badan kasoo gaadhi jirray warar astaan u ah hammiggii iyo hankii uu lahaan jirray oo uu hadda ku guddo jiro ka dhabayntiisa iyo kor-u-sii-qaadistiisa,isaga oo maalinba maalinta ka danbaysa horu-socod lagu diirsaddo ku dhaqaaqi jirray,isaga markaasna dad badan oo dan yar ahna hawlo samafal oo baahiyaha aas-aasigga ah ee nolasha u qaban jirray.

 Ayaanle,ayaa waxa uu si toos ah u guddo-gallay xudunta socdaalkiisa,waxaana uu yidhi

“Saaxiib,kollay waayaha adduunka,ayaa iska wajiyo badan.Maalin walbana waxa kusoo maraysa umuur saamayn taban kuugu yeelata,taas oo aad xataa is-odhaynaysid,malaa sidan uunbaad inta nolashadda ka hadhsanna ku jiri doontaa,markaas walaalo Cumar,muddo aan sidaas u dheerayn,ayaan dareemay Inan (gabadh) aannu is-waji naqaanay in aan dareen-jacayl u qabbo,balse nasiib-daradda jirta ayaa ah,in markii ay Inantii ogaatay xaalkayga iyo sida aan u jecelahay ay ku dhaqaaqday tallaabooyin aan saacidahayn xidhiidhkayagga raad-baradka ah,taas oo ugu denbaynta keenaysa inuu bur-buro ama ugu yaraan wanaaggii iyo walaal-tinimaddii naga dhexaysay ay isku rogto Colaad iyo necbaanshiiyo hor leh,taas oo iyana dhibaatadeeda leh”. Ayuu yidhi Ayaanle,waxaana uu intaas ku darray isaga oo wali hadalka sii wada,saaxiibkii Cumar-na uu si dareen-taabad leh u eegayo ” Waxaas oo dhanba waxa igaga darran,markasta oo ay talaabbo aannu ku kala fogaanayno ay Inantaasi qaaddo,anna mid aan ugu sii dhawaanayo ayaan qaadayaa,haddii ay hadal xun oo qalafsan igu tidhaahdo,anna middebecsanaan iyo naxariisi ka muuqato ayaan ugu hal-celinayaa,haddii ay farrimaha aan u diro ay kasoo jawaabi weydo,anna wali farriimo kale oo badan ayaan u sii dirayaa oo isma odhanayo kuwii horeba kamaysoo jawaabin eh,kuwan kale jooji!”.

Lasoco……….

W/Q: Mohamed Hassan Daacad