Barashada Xagjirnimada

Waxay ahayd goor duhur ah oo ay qorraxdu aad u kulushahay. Madaxu aad ayuu ii xanuunayay, goor aan dheeraynna waxa aan ka imid dhinaca dugsiga oo aad nooga fogaa. Qadadii ayaan boobsiiyay illeen waxaan ahay nin ka cabsiqaba in uu ka habsaamo malcaamaddii’e. Qadada ka dib waxan dirayska u xidhay oo aan u dheemaalay dhinicii malcaamadda. Jidku aad ayuu u dhib badanyahay waxaana ii weheliya jid xumida jewi xumo oo kulaylka qorraxda ayaa aad ii dhibaya. Waqti aan aad u sii badnayn kadib waxaan gaadhay malcaamaddii. Macallinkii ayaa igu yidhi fiiri goorsheegta, waxaanan ogaaday in aan habsan ahay. Macallinkaygu aad ayuu u naxariis daran yahay, waxaanan ogahay in uu aad ii ciqaabi doono isaga oo aan marnaba ka fikiraynnin sababaha isoo daahiyay. Macallinkii waxa uu igu amray in aan dhegaha qabsado, waliba aan ku qabsado dhagaha meel qorrax ah. Runtii wax hadal ah kumaan celin karayn. Waan qabsaday dhegihii, waan gororay, madixii i xanuunayayna waxa uu ka sii daray xanuunkii. Intaa igagama tagin ee wax uu iigu sii daray garaacid, runtii waxaa maskaxdayda kusoo duul duulayay in aan iskaba daayo barashada Qur’aanka iyo diintaba, maxaa yeelay, wax naxariis ah oo aan ku farxo kama helin macallinkayga Qur’aanka, mar walbana waxaan kala kulmaa garaacid aan kala go’ lahayn. Kaddib garaacii macallinku wuxuu ii oggolaaday in aan soo galo fasalka. Aad ayaan u dhididay waxaanan damcay in aan shaadhka badhamadiisa yara furto si aan u yara qaboobo, waanan furtay se macallinkii markii uu i arkay garaac ayaa uu igu bilaabay, waxaanu igu qasbay in aan dib u xidhxidho badhamada. Waxaa la yaab ahayd in macallinka sidaa igu amraya ay isaga badhamadu u furnaayeen. Intaa waxa sii dheeraa macallinkaygu xanjada ayaa uu ku dhex cunaa fasalka marka uu doono, ardaydana uma oggola in ay ku dhex cunaan, taas oo tilamaamaysa in uu macallinku yahay qof aan ku dayasho mudnayn. Macallinkaasi waxa uu na baray in aannu noqono arxan-laawayaal aan u tudhin dadka ay ciqaabi karaan walaw ha ku ciqaaban gardarro e. Macallinkaasi waxa uu na baray qayb ka mid ah xagjirnimada aragtiyaha ama fikradaha taas oo ah in aanan u dulqaadan aragti ama fikrad kasta oo aanu awood ku hor istaagi karno. Macallinkaasi waxa uu na baray in aanu ciqaabno qof kasta oo qalad gala haba yaraade, annaga oo u dulqaadan karna. Xagjirnimadu maaha mid ku kooban dhinaca diinta. Xagjirnimadu waa magac ama tilmaam lagu tilmaamo qof kasta ama koox kasta oo ku sifawda ku talax-tagidda aragtiyo gaar ah. Macallinkanina waxa uu ku talaxtagay aragtidiisa ah in uu yahay ka kali ah ee shuruucdiisa ama xeerarkiisu ka shaqayn karaan malcaamadda. Shuruucdaa ama xeerarkaas oo aan ku qabanayn isaga.

Cabdiqani Iid Cilmi

Email:cab_dir@hotmail.com