Barack Obama oo Ruushka Uga Digay Faragelinta uu ku Hayo Ukraine

USA(SLPOST)Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa si kulul uga hadlay faragelinta Dowladda Ruushka ay ku hayso wadanka Ukraine, kadib Ciidamo kamid ah Milateriga Ruushka ay xoog ku galeen qeybo kamid ah dalkaas.

obama

Mr Obama ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday maqalka wararka soo baxaaya dhaq dhaqaaqa milateriga Ruushka ka sameyeen Ukraine.

Isagoo khudbad ka jeedinayay Aqalka Cad ee Washington ayuu amaanay sida Xukuumadda kumeelgaadhka ee Ukraine ka jawaabin faragelinta Ruushka.

Wuxuu intaas ku daray in cawaaqib xumo lagala kulmi karo faragelinta madax banaanida Ukraine oo khal-khal ku keeni karta xasiloonida taas oo aan dan u ahayn Ruushka, Ukraine amaba Europe oo idil, siduu sheegay. Faro gelinta Ruushka ee Ukraine waxay noqon doontaa mid qiime weyn ku kacda ayuu yidhi Obama.

Faragelinta Ruushka ee Ukraine wuxuu meel ka dhac ku yahay madaxbanaanida Ukraine, wuxuuna muujinaaya in Ruushka aanu qadarinaynin Midnimada iyo madaxbanaanida Ukraine iyo weliba Shuruucda caalamka ee xuduudaha. ayuu Obama yidhi.

Obama ayaa intuu khudbadiisa jeedinayay muu ka hadlin talaabada uu Mareykanka qaadi doono oo arrintan ku saabsan.

Dhinaca kale Safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa milateri ee Ciidamada Ruushka uu salka ku hayo heshiisyo dhexmaray Ruushka iyo Dowladda Ukraine.

 

somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland