Bar Bilowga Siyaasaddii Is Casilaadda

Waxaa baryahaaba dadku la yaabanaayeen siyaasada gunta dheer wadaanta lagaga soo dhurey ee ay soo lafa gureen Madaxweyne silaanyo iyo Gud. muuse biixi ee ku wajahneyd isbahaysida garabka sharxan ee ku mucaaridka ah muuse biixi

Waxa aynu eegi sida ay ku bilaabmatey barbilowga siyaasada dareerisey wasiirada in badan loo tirinaayey iney dhisaan siyaasada madaxtooyada, in badan ayaa ay olele ba’an ku qaadeen muuse biixi sidii ay u wiiqi laaayeen, si kastaba wa’ay yeeleen, gidaarwalba wa’ay istaageen, marfashwalbana waa’ay ka qayliyeen, intaas ka dib dulqaadasho badan oo siyaasi ah, waxaa dhawaan dhacdey ka hor inta ayna is casilid wasiiradu, in ay soo saarteen liis badan oo golaha dhexe ah, muusena ku qancey in  hadii uu dhab yahay liiskaasi uu garabka ka soo horjeedaa uu caqlabiyada lee yahay , ayaa muuse la tashadey silaanyo, waxaana go’aan lagu gaadhey in wasiirada meesha laga saaro, waxay is waydiinta ay iswadyiiyeen ay noqotey, madaxweyne hadii aad  eridid wasiirada!.. maxaa dhacaya? Intee in leeg ayey inagu yeelaneysaa saamayn? Hada la soco in wasiiradu calaa duul u galaan kana mid noqdaa golahaa dhexe ee xisbiga kumiye.. lafa gur badan ka dib oo ku saabsan suaalihii ka imid in saaxada golaha wasiirada laga saaro ragan, lakiin la rabo sidii looga saari lahaa, ayaa waxaa la qaatey siyaasad ah in wasiirada laftooda xan la maqashiiyo in iskushaandheyn soo socoto, lakiin la sheegayo in maxamed biixi, xirsi iyo xulafadooda ay seeftu la tageyso,..xantaa markii ay maqleen ay ahaatey mid isasoo tareysa, ayeaa waxaa habeen ay bishu tahay 21 khamiis ..la sheegey in ay kulan yeesheen wasiiro u badan kuwa is casiley oo ka mideysnaa siyaasada garabkooda kulmiye ayaa waxa ay  go’aan ku gaadheen in intaanu madaxwaynuhuu eryin ay is casilaaan, ka dibna waxay ku dhawaaqeen in ay is casilaan,…halkaa oo ay filayeen in ay is casilaadoodaasi dhabar jab ku tahay madaxwaynahaa iyo muuse biixi, ayaa waxaa dhacdey dareen dad wayne oo odhanayaa maxay uga tageen xilka ay qaranka iyo umada u hayeen hadii ay rag is qabteen,.. waxay isku qabteena ayna la xidhiidhin arin la halmaasha shaqada ay hayeen,…

Dhinaca kale ee madaxwayanaha iyo gud. Muuse biixina way ku guuleysteen siyaada ay dhigeen taas oo u saamaxaysa in lagu soo buuxiyo xilalkii banaanaa rag wasiiro ah oo taageersan Gud. Muuse biixi wasiiradaa oo toos uga mid noqonayaa golaha dhexe e xisbiga, waxaa kaloo madaxwaynuhuu ku darey tiro wasiiro dowlayaal ah oo tageersan Gud. Muuse biixi korna u qaada tageeradiisa kana mid noqda golahaa dhexe,…

Dhinaca kale waxaa in badan la hadal hayn jirey in uu Madaxwaynuhuu gaboobey oo siyaasada uu  Wasiir xirsi iyo rag kale u dhisaan, … lakii taas waxay meesha ka baxdey markii la arkey siyaada farshaxamaysan ee loo dhigay isla wasirada loo tirinaayey in ay saamayn ku leeyihiin siyasada xukuumada,..

 

Xasan Maxamed <Xasanand1@Hotmail.Com