Bar-bilowga dildillaaca Xannuunka Shuban-biyoodka oo ka curtay Xabsiyada Somaliland iyo wararkii u dambeeyey

Bar-bilowga dildillaaca Xannuunka Shuban-biyoodka oo ka curtay Xabsiyada Somaliland iyo wararkii u dambeeyeyXabsiga Dhexe Ee Magaalada Borama Oo Uu Ka Dilaacay Xanuunka Shuban Biyoodka Iyo Tirada Maxaabiista Uu Soo Ritay

Hargeysa (SLpost)- Wararka ka imanaya xarunta gobolka AWDAL ee Boorama, ayaa sheegaya inuu Shuban-biyood faro-baas ku haya ka dillaacaya Xabsiga Dhexe ee magaaladaas, waxaanu xannuunkaas u jiifa isla markaana uu soo rittay tiro ka mid ah maxaabiista ku sugan xabsigaas.

Cudurka Shuban-biyoodka, ayaa hor uga dillaacay isla markaana faro-baas ku haya Maxaabiista ku jirta Xabsiyada Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, iyada oo bar-bilowga xannuunkani uu markii ku soo horreeyay Xabsiga magaalada Burco oo ay ugu geeriyoodeen tiro badan oo ka tirsan Maxaabiista ku jirtay xabsigaas, iyadoo wararkii u dambeeyeyna ay sheegayaan inay jiraan tiro maxaabiis ah oo xannuunkani ku soo rittay Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.

HOOS KA DAAWO WARARKII U DAMBEEYEY IYO XABSIYADA GOBOLKA AWDAL OO XANNUUNKANI KA CURTAY