Waxan halkan idinkula wadaagi doono nuxur kooban oo aan ka soo min guuriyay kitaabka caanka ah ee uu qoray caalimka, sheekha, dhakhtarka iyo taariikh-yahanka wayn ee Dr. Raqibb Sarajani. Kitaabkas oo magaciisu yahay “Sheekadii Tataarka”. Sida aynu in badan ka ognahay sheekadan ama qisadan tataarku waa musiibo wayn oo ku habsatay dunida gaar ahaan dawladihii awooda wayna ee aduunka oo wakhtigaa ah islaamka, waa dhacdooyin sanado socday oo murugo badan, waa nafbaxi iyo halaagii malaayiin muslimiin ah oo isugu jira rag, dumar, caruur iyo cirooleba. Waa dhacdooyin xanuun badan oo midba mid ka sii darantahay ilaa laga soo gaadhay jabintii tataarka iyo dagaalkii “Caynujaaluut”. Hadaba uma socda inan idinka waramo qisadan balse waxan nuxur ka soo koobayaa odhaahda qoraaga iyo qodoboda uu kaga hadlay dhicitaankii baqdaad inta u dhaxaysa boga 371 ilaa 376 waxanan u soo koobay sidan hoos ku qoran:
Sheekada ugama warmayno inay tahay uun taariikh iyo dhacdooyin la soomaray, balse waxan uga waramayna inay inoo noqoto ku tusaale qaadasho, cibro, ka fikir iyo ka faaiidaysi mustaqbalka loo isticmaalo. Sheekhu waxa uu is barbar dhigaya oo laba muqaal oo isku mid ah ku tilmaamay dumitaankii baqdaad ay ku duntay gacanta tataarka casrigii dawaladii cabaasiyiintu ka talinaysay iyo dumitaanka labaad oo ah markii 2003 dii uu maraykanku ku soo duulay ciraaq wakhtigii saddam xussein ka talinayay.
Maraykanka si fiican Ayaan u garanaynaa, ee tataarka maxay ahaayeen?.. waa dad ka soo jeeda qoomiyadaha ku nool aasiyada bari loona yaqaan ‘Mongolians’ waxa hormood u ahaa daalimkii waynaa ee Genghis Khan.
Xalay iyo habeen hore maxa isaga eeg!.
Muslimiintii xiligii tataarka noola iyo kuwan hada jooga maxa isaga eeg!.
Madaxda muslimiinta ee hada nool iyo kuwii wakhtigii tataarka maxa isaga eeg!.
Maraykanka Iyo Tataarka Maxa Isaga Eeg !!!!!!.
Xulafada maraykanka iyo xulafadii tataarka maxa isaga eeg!!!.
Waa muuqaal iyo dhacdooyin soo laba noqonaya taariikhda gudaheeda si cajiiba ah.
Waxaa soo baxay maraykan si kadis ah siday u soo baxeen tataarkuba, iyaga oo aan taariikh lahayn. Waxay dileen tobanan, boqolaal iyo kumanan dadkii ku noola qarada America ee hindida cas loo yaqanay si ay dawlad uga dhistaan. Waxay boobeen hantidoodii waxanay ku dhiseen waxay ugu yeedhan xadaaradooda qalfoofkii dadkii wadanka laha.
Way socodeen maalmuhu, dhulkana waxay ka buuxiyeen dulmi iyo xad gudub iyaga oo sheeganaya inay cadaalad, xornimo iyo nabadgalyo faafinayaan.
Maxa iskaga eeg miiska wada hadalka maraykanka iyo kii tataarka !. balamo aan damiir lahayn, heshiisyo aan nabadgalyo lahayn. Kalmado lagu dajinayo shacabka ilaa mudo.. iyo khiyaamayn adamaha iyo balan buryo.
Maraykan-ku waxay ku soo galeen wadamadda muslimiinta xujooyin liita oo aan macno lahayn sida ay tataarku ugu soo galeen. Weerarkooda ugamay baahnayn cadaymo maskaxaysan ama xujooyin toosan.. balse waxay ahayd ismoodsiisyo kala sareeya.. iyo sheegashooyin is huwan. Mar waxay la daalamayaan argagixiso.. marna waxay hirgalinayaan dimuqradiyad.. mark waxay xoraynayaan shacab wayne.. mar waxay baadhayana hubka!!. Muhiim maha sababta ka dambaysa inay soo weeraran wadamadda islamka balse waxa muhiim ah inay arin go,an ahayd inay soo galaan.
Dagaalka maraykanku waa sidii kii tataarka oo kale oo kala sooc malaha, magaalo iyo miyi, rag iyo dumar, dhalinyaro iyo waayeel. Waxay boobeen hantidii umada muslimiinta sidii tataarka oo kale.
Maxa u dhaxeeya lacag in la dhaco iyo pitrool la dhaco, in manhajka waxabarashada ee bulshada la badalo iyo lagubo.
Weerarka Tataarku ay ku rideen baqdaad iyo kan maraykan ka maxa isaga eeg. Tataarku intaanay ridin baqdaad waxay soo rideen dawladi ka talinaysay afganistan, sidoo kale maraykan ku intaanu ridin baqdaad wuxuu riday dawladii afganistan ee ay hogaaminayeen dalibaan waxanay saldhigyo milatari ka samaysteen bakistan iyo uzbakistan sidii tataarkuba uga samaysteen!!! “Miyay isku soo dardaarmeen, waa qoom xadgudbaya” Dariyat 53.
Silamida sidii tataarku maal iyo masxaba ugu soo diyaar garoobay weerarka ay aduunka islamka ku soo qaadeen ayaa maraykankuna u soo diyaargaroobay. Waxanay labadooduba ka simanyihin inay aduunkii u kala qaybiyeen dawlado cadow ku ah oo ay la dagalayan iyo qaar awood daran oo ay taageerayaal ka dhiganayaan.
Hamse Osman Hassan, Xamseleeb@hotmail.com