Bannaan-baxyo Rabshado wata oo ka dhacy 13 magaalo oo Maraykanka ah

BOSTON (SLpost)- Magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka, waxa shalay ka dhacay bannaan-baxyo rabshado wata oo ay dhigeen dadweyne ka cadhaysan Xukun ka soo baxay xeer-beegtay gacanta ku haystay kiiska sarkaal ka tirsan Booliska dalkaas oo doogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeday bulshada madow ee ku dhaqan dalkaas.

rabshadoSarkaal oo lagu magacaabo Darren Wilson, ayaa 9-kii August ee sannadkan badhtamaha magaalada Ferguson ee gobolka Missouri ku dilay Michael Brown oo ahaa wiil 18-jir ah oo ka soo jeeda dadka Madowga ah ee Maraykanka, waxaanu falkani xasilooni-darro ka abuuray magaalada Ferguson oo dadka ku nool u badan yihiin Dad Asal ahaan ka soo jeeda Qaaradda Afrika, kuwaas oo bannan-baxyo waaweyn ka dhigay magaaladaas, ka hor intii aan kiiska sarkaalka dilka geystay loo gudbin Xeer-beegti sare oo ka tirsan Maxkamadda gobolkaas.

Bannaa-baxyada oo shalay ka dhacay 13 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka, ayaa ka dhashay ka dib markii Xeer-beegtida ka garsooraysay Kiiskani, ay shaaciyeen inaan wax dambi ah loo haysan Sarkaalka Dilka geystay oo ka soo jeeda Dadka Caddaanka ee Maraykanka

Magaalooyinka New York, Seattale, Oakland iyo guud ahaan gobolka California ee Maraykanka, ayaa shalay bannaan-baxyo xooggan ka dhigeen dadweyne ka soo horjeeda xukunka Xeertida. Waxa kale oo dibad-baxyo rabshado wataa ka dhaceen magaalada dilku ka dhacay ee Ferguson oo bannaan-baxayaashu bililiqo iyo burbur u geysteen meherado ganacsi, waxaanay ciidanka boolisku xidh-xidheen 44 qof oo bannaan-baxayaasha ka mid ah.

Magaalooyinka kale ee gadoodka shacabka Maraykanku ka dhacay, ayaa kala ah St Louis, Philadelphia, , Albuquerque, Cleveland, Los Angeles, Oakland, Minneapolis, Atlanta, Portland, Chicago iyo Boston, kuwaas oo lagu daad guureeyey ciidamo tira badan si ay u kala kaxeeyey bannaan-baxayaasha

Dadweynaha bannaan-baxa samaynayey, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Ferguson, ayaa dalbanayey in la xukumo Askariga dalka geystay, haseyeeshee go’aanka xeer-beegtidu soo saartay ayaa meesha ka saaraya in maxkamad dambigiisa ku qaadda la horgeeyo.