Bangiyada Ribada ha la furo, mawduuc kale iyo Somaliland, sanadka curtay.

 

Dad badan oo aqoon yahan leh ayaynu maqlaynaa, oo ka hor imanaya digniintii iyo taladii culumadu ay usoo jeediyeen golihii u xil saarnaa. Haddii la odhan lahaa caafimaadbaa la isku hayaa. Marka dadka caafimaadka u ehelka ahi ka hadlaan waa lagu ixtiraami lahaa. Macanhu maaha in ay caafimaadka inaga xigaan, ee waa inay aqoon u leeyihiin. Sidaas oo kale, culumada diintuna diinta inagam xigaan, laakiin aqoonteeda in iyaga looga dambeeyo ayay ahayd, ahaanna jirtay. Balse baroortu orgiga ka weyne, malaha wax kala ina wata oo meel kalaa la inooga yeedhayaa.
Waxay leeyiin “Waddamada carabtuba way adeegsadaan”. Cajiib! Qolooyinkan carbta inagu dhererinayaa iyaguunbaana marka arrima diineed lala wadaagana yidhaa ha laga yaaco, marka wax ay ku qaldanyiin looga leexdana wuxuunbay odhan ha lagu daydo.

Wadamadaasi waa marka horee, waxay leeyiin gaalo iyo muslim. Waxaana xukuma kaligood taliyayaal iyo boqortooyooyin , aan laga hor iman.
Inaguna waxaynu nahay dad wada muslima. Horumarku haba iska liitee, duul la addoonsado ma nihin, waxaynu naya dad xor u ah, in ay wax diidi karaan. Dad culumadooda aan lagu qasbin khudabadaha ay jeedinayaan ayaynu nahay. Maxaad inoola doonan waddamada masaajidda mar hore badankoodu ku koobay diinta. Kana fogeeyay arrimaha siyaadda. Kuwo kalana intay doonaana kasoo qaata, intay doonaana iska reeba.
Waxaynu xaq u leenahay in aynu kaga dayano adduun waynaha, carab iyo cajabba wixii wanagsan diinteenna aan ka hor imanayn. Sidaasoo kalena waxaynu xaq u leenahay in aynu ka hor nimaadno wixii caqiidadeenna khilaafaya.
Sheekhaw ama maslaxaaddaada ha ahaato, ama mid aad umadda ugu daneenayso ha ahaato, Waxaad ka qaylisaan waanu idinla eegi. Hadday arrin Alle (swt) inagu amray ka fogaanshiyaheeda ay noqoto, garabkiinna ayaanu nahay. Wixii qarsoon Allaa xisaabiya, wixii muuqdana waxaanu la kaashan caqliga iyo kitaabka.

Arrintu waa salleelo haddee, Maalinta la inoo yaabaa waa maalinta wadaadka soomaaliyeed, ku dhici waayo in uu khudbad jimce kaga hadlo arrin liddi ku ah xukuumad. Maalinta la inoo yaabaa waa maalinta wadaadkeennu wax xaaraan ah, isla markaana xukuumadi rabto u fadwoodo una banneeyo, Sida ka dhacday dalal carabta ka mid ah. Maalinta la inoo yaaba waa maalinta xukuumadi wadaaddo ku wax yeelayso arrin ay kaga soo hor jeesteen oo diiniyan khatar ah, Sida hore uga dhacday soomaaliya. Arrimahaasoo Cidhib xumadeedii aynu u wada joognay, walina arkayno.
Alle ayaanu ka magan galnay qaadashada go’aan noo hor seeda halaag adduun iyo mid aakhiraba…

Ibraahin Waabari