Bangiga Adduunka oo ka Walaacsan in Isbeddelka Cimiladu Sababo Fakhri Aad u Daran

Isbeddelka cimilada adduunka, ayaa laga cabsi qabaa in dad ka badan 100 milyan ka dhigto sabool aad u daran sannadka 2030-ka, sababi doontana in dhul beereed badan baaba’o, meelo badanna ku faafaan cudurro sida duumada (Malaria) sida lagu iftiimiyey warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka.

 

Warbixinta dhiiladan xambaarsan oo laga jeediyey shir Qarammada Midoobay ku qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kuna saabsanaa cimilada, waxa xogtan hoosta lagaga xarriiqay sida saamaynta ay u yeelan doonto diirrimaadka cilmilada, abaaraha iyo duufannada dunida meelo badan ku kacay.

 

“Waxay haystaan khayraad yar, mana helaan taageero oo lagu ilaaliyo bulshada nidaamkeeda maaliyadeed iyo badbaadadeedaba,” ayaa lagu yidhi warbixinta Bangiga Adduunka ee xaruntiisu tahay Washington ee dalka Maraykanka.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkaas lagaga hadlay waxa ka mid ahaa sidii loo caawin lahaa dalalka saboolka ah ee ay ku nool yihiin bulshada fakhrigu dushooday ee looga baqayo in isbeddelka cilmiladu waxyeellada sii gaadhsiiyo.

 

Sidoo kale, warbixinta Bangiga Adduunka waxa ku jirtay qorshe wadamada hantida haysta ay bilaayiin doollar ku caawinayaan barnaamij loo bixiyey “Maaliyadda cimilada ee waddamada soo koraya’ (Climate Finance to Developing Countries).

“Horumar la’aanta isbeddelka cimiladu waxa ay sababayaan in dad ka badan 100 milyan ku nooladaan saboolnimo aad u daran marka la gaadho sannadka 2030-ka,” ayaa lagu yidhi warbixintan qaylo-dhaanta ah.

 

Waxa kaloo warbixintu tibaaxday in 1.4 bilyan qof oo 92 dal ku nool dhaqaalahooda hoos-u-dhac aad u xun ku iman doono. “Marka aan baadhnay waxyaabaha keena waxa ka mid ah beeraha oo dhib ku iman doono sida qiimaha cuntada oo hoos u dhici doona, abaaro, duufaanno iyo cafimaad-darro ay meelo badan ku faafi doonaan cudurro badan oo ka mid yihiin Malariya iyo shubanku,” ayaa lagu soo afmeeray digniinta Bangiga Adduunka.

 

 

 

Xigasho: Maankaab.com