Bandhigga Buugaagta Hargeysa: Madal Sannad Walba Somaliland ka Gudbisa Farriin togan oo Dublamaasiyadeed

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa Sabtida Maanta oo ku beegan 23/07/2022 laga Daah-furay Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta, taasi oo sannad walba xilligan oo kale la qabto.

Bandhiggan Carwada Buugaagta Hargeysa oo sannadkani noqonayo kii 15-aad ee si xidhiidh ah loo qabto, ayaa sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay ‘WADA-JIR’, taasi oo lagu Tusaalaynayo ahmiyadda Wada-jirku u leeyahay Dawga Caalamka ee reer Somaliland ka mid yihiin, waxaana lagu Marti-qaaday Wufuud ka kala socota illaa 30 Dal oo Caalamka ah, diblumaasiyiin, Qoreyaal Caalamiya, Farshaxamiistayaal, dadka shaqeeya hormarinta dhaqamada dalalka Caalamka, waxaana lagu soo bandhigayaa Buugaag Afaf kala duwan lagu qoray, si loo dhiirigeliyo akhriska iyo qoraalka.

Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa (Hargeisa Internatinal Bool Fair) oo door muuqda ka qaata fidinta Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, si dalalka dunidu looga dhaadhiciyo Qorshaha Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland isla-markaana sannadba hal Dal si gaar ah loogu sharfo si uu ugu soo bandhigo wuxuu dalalka kale ee dunida kaga duwan yahay dhaqan ahaan, ayaa sannadkan waxa marti-qaadkaa gaarka ah lagu maamuusay waddanka Senegal oo ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika ee aanay Somaliland lahayn xidhiidhka tooska ah, waxaana wufuud ka socotaa ay Maalinta labaad ee Carwada Buugaagta Hargeysa ay ku soo bandhigi doonaan Agabka hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhda Dalkooda Senegal leeyahay, waxaana halkaa ka bilaabmaya xidhiidh dhinaca iskaashiga ah oo dhex maraya Somaliland iyo Senegal, taasi oo sida muuqata ay suurto-gelisay xarunta dhaqanka Hargeysa ee markii 15-aad qabatay Bandhiggan Caalamiga ah.

Ahmiyadda uu Bandhiggani u leeyahay qadiyadda Madax-banaanida Somaliland iyo sida diblumaasiyad ahaan faa’iidada ugu leedahay siyaasadda Arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa furitaankii bandhigga ka hadlay Aasaasaha Xarunta dhaqanka ee Hargeysa ee sannad walba qabata Carwada Buugaagta ee Caalamiga Dr. Jaamac Muuse Jaamac, waxaanu yidhi “Ku soo dhawaada 15-guurada bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa. Waa 15-sannadood oo la dareemay faa’iidada uu u keenay qarankan iyo ummaddan Somaliland oo sannad kasta lagu soo bandhigayey mowduucyo kala duwan oo xambaarsan danaha Qaranka. Waa 15 sannadood oo Maanta hana-qaad ah, suurto-galisayna madal midaysay umaddan ciddii u soo fekertay…”

Bandhigga Caalamiga ah ee ‘Buugaagta Hargeysa’, oo sannadkan iyo sanadihii ka horreeyayba lagu Marti-qaaday wufuud ka kala socoto illaa 30 Dawladood iyo dad dunida caan ka ah isla-markaana dhawaaqooda la tixgeliyo, ayaa door muhiim ah ka qaata iib-geynta Qadiyadda Somaliland, maaddaama oo Dadka ka kala socda dalalkaa tirada badan ay sanad walba dunida inteeda kale u gudbiyaan farriin wanaagsan oo khusaysa Nabadda, dimuqraadiyadda iyo Hanaanka Dawladeed ee Somaliland ku naaloonaysay 31-kii sanadood ee u dambeeyay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net