BALLIGUBADLE: Barayaal Shaqo-joojin Sameeyay iyo Maamulka oo Xadhig Kaga Jawaabay

Balligubadle(SLpost):- Shaqa-joojin ay kaga cabanayaan maamulkooda ayey dhammaan macalimiinta dugsiyada hoose/dhexe ee balligubadle ku dhaqaaqaeen.

Shaqa-joojinta macalimiinta ayey wararku sheegayaan in ay saaka bilaabmatay, ayna go’aan midaysan ka qaateen inay joojiyaan xiisadihii loogu tala galay ee ay u galayeen ardayda.

Macalimiinta shaqo joojin ku dhawaaqay ayaa qaarkood waxay sheegeen inay shaqo joojintoodu la xidhiidho caddaalad-darro ay ka tirsanayaan maamulka dugsiyada ay ka hawl galaan iyo khilaaf soo kala dhex galay kaas oo mudo soo jiitamayey.

Sidoo kale macalimiintani waxay maamulka waxbarashada heer gobol iyo heer degmo ku eedeeyeen inay dhagaha ka furaysteen cabasho badan oo ay u soo jeediyeen isla markaana ka dalbanayeen inay wax ka qabtaan.

Maamulka waxbarashada heer degmo iyo heer gobol ayey macalimiintu sheegeen inaanay diyaar u ahayn inay furdaamiyaan cabashadooda isla markaana waxay tilmaameen in masuuliyiintaasi ay magaalada yimaadeen khamiistii iyaga oo la balansan macalimiiniii balse dib ayey magaalada uga soo baxeen isla maalintii ay yimaadeen.

Macalimiintii shaqo joojinta sameeyey ayaa maamulka waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo u gudbiyey inaanay wax shaqo ah qabanayn ilaa cabashadoda la dhameeyo, sidoo kale macalimiintu waxay ku eedeeyeen maamulka waxbarashada awood darro iyo go’aanada ay soo saaraan oo aan shaqaynayn.

Talaabada ay qaadeen macalimiintu ayey maamulku kaga jawaabeen goor dhawayd xadhiga ay u gaysteen, iyada oo ciidamada booliska lagu amray inay xidhaan macalimiinta shaqo joojinta ku dhawaaqay.

Dhinaca kale ardaydii wax ka baranaysay dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Balli-gubadle iyo guud ahaan deegaanada Gobolka Hawd ayaan saaka loo galin wax xiisaddo ah, iyaga oo ilaa haatan ku sugan xarumaha dugsiyada ay wax ka baranayeen.

 

Source: Hadhwanaag