Ballicabane: Ciidamada Liyuu Booliska oo si Arxan-darro ugu dilay Qof Shacab ah iyo khasaaraha ka dhashay Bannaan-baxyo dadweynaha magaaladaasi ka jawaab-celiyeen

Balicabane (SLpost)- Ciidamada Liyuu Booliska ee maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa maanta gelinkii dambe si arxan darro ah qof shacab ah oo aan hubaysnayn ugu dilay degmada Balliacabbane oo ku taala xuduudka ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Ethiopia.
Ciidamo ku gaashaaman saddex gaadhi oo sida la sheegay ka sool shiraacday magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa duleedka degmada Ballicabane si bani’aadamnimada ka baxsan toogasho-wadareed ugu dilay Marxuum magaciisa la odhan jiray
Aadan Yusuf Mooge oo lagu naanaysi jiray Qodob, kaas oo aan markii dambena ay maydkiisa qaateen.
Wararka aanu ka helayno deegaanka degmada Ballicabane oo ka tirsan gobolka Hawd ee Somaliland, ayaa sheegaya in Askarta Dilka geysatay ay si badheedh u soo bartilmaameedasadeen marxuumka, iyaga oo aan waxba weydiinna ay rasaas Oodda kaga qaadeen.
Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya sababta ay ciidamadaasi u bartilmaameedsadeen marxuumka, haseyeeshee fal-dambiyeedkan noocan ah, ayaa ka mid ah gabbood-fallada ciidamada Liyuu boolisku ku hayaan shacabka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan Degmooyinka Xarshin iyo Gaashaamo ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

breaking-news
“Ciidan Liyuu Boolis ah oo wata Saddex Gaadhi oo dhinaca Jijiga ka yimi oo dhinaca xuduudka soo maray ayaa siday u socdeen ka dul dagay guriga marxuumka oo magaalada u dhow,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka oo khadka telefonka ugu waray Wariye ka tirsan shabakaddan wararka ee Somalilandpost.
“Markii ay gurigii tageen ee ay baadheen, isagiina ay ka waayeen, ayay ka soo noqdeen, waxaanay yimaadeen magaalada. Askari boolis Kililka ka tirsan ayay weydiiyeen, dabadeedna isaguna muu garanayn waxay ka doonayaane, wuu u tilmaamay, waxaanay ugu tageen meeshuu joogay oo magaalada (Ballicabane) ka baxsan. Dabadeedna iyaga oo aan waxba weydiin ayay xabbado ku fureen,” ayuu qodkani hadalkiisa raaciyey, isaga oo intaas ku daray inay qaateen meydkii Marxuumka.
Dhinaca kale, dadweynaha degmada Ballicabane oo ka gadooday dilka foosha xun ee ciidamada Liyuu Boolisku ay u geysteen Marxuumka, ayaa dab
qabadsiiyey Dugsi waxbarasho oo ku yaala dhinaca xuduudka Itoobiya ee magaalada Ballicabane.
Maaha markii u horreysay ee shacabka deegaamada degmada Xarshin oo tacaddiyo kala duwan kala kulma Ciidamada Liyuu booliska oo dhammaantood ka kooban Beesha Ogaadeen ee haysata awoodda talada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Somalilandpost.net

Balicabane