Balli-Gubadle: Xusuusta Maalin ka mid ah Maalmihii Qadhaadhaa!

Bishan aynu ku jirno ee Oktoobar kowdeedii ayay ahayd markii wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ay booqasho ku tageen magaalada Balli Gubadle ee xarunta Gobolka Hawd, iyada oo Madaxweynuhu uu maalintaas dhagax dhigay Taallo loo dhisi doono Mujaahidiintii SNM iyo Daljirayaashii Dahsoonaa ee dhiiggoodu uu
u daatay xorriyada macaan ee maanta aynu hadhsanayno, hadaba waxaan jeclaystay inaan dib u milicsado maalin ka mid ah maalmihii qadhaadhaa ee soo maray magaaladaas Balli Gubadle oo xarun u ahayd ururkii SNM. Maalintaasoo Ciidamadii Dawlada Soomaaliya oo uu hor kacayay kacayay Jenaraal Cabdi Casiis Cali Barre ay gacanta ku dhigeen Balli Gubadle, waxaanay maalintaasi u ahayd maalin madow guud ahaan ururkii SNM iyo shacbigii taageeri jiray, halka ay farxad iyo raynrayn uga ahayd Taliskii Maxamed Siyaad Barre,
Waxa lagu jiray maalmo qadhaadh, gayiga oo dhana waxaa ka oognayd colaad aad u adag, taliskii naxariista darnaa ee uu Hormuudka ka ahaa kaligii taliyihii haligmay Maxamed Siyaad Barre ayaa xasuuq, iyo baro-kicin naxariis daran kula kacay guud ahaan dadweynihii ku ab tirsan jiray Ururkii Xaq u Dirirka ahaa ee SNM, boqolaal kun oo shicib iyo maato ah ayaa si habaqle ah ugu jiray xeryihii qaxootiga ee Dulcad, Balliyallay, Kaam Abokor, Rabaso, Darroor iyo waliba goobaha miyiga ahaa ee ku teedsanaa xuduudaha. Dhinaca kale ururkii SNM oo isagu ahaa mid aan awood aad u buuran lahayn, laakiin isku kalsoonaa dadweynihiisuna ay garab siinayeen ayaa dagaalo qadhaadh kula jiray Taliskii Siyaad Barre oo ahaa talis quwad leh oo aad uga baaxad weynaa ugana dhaqaale, hub iyo awoodba badnaa ururkii SNM,
Marxalada xiligaas lagu jiray Ciidamada dawladu waxay gacanta ku hayeen magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Boorama, Berbera , Burco halka ciidamada Ururka SNM ay iyaguna ku sugnaayeen deegaanada hawdka ah ee ku hareeraysnaa magaalooyinka waaweyn, had iyo goorna weerar iyo weerar celis ayaa dhex mari jiray labada dhinac, waxaana ururka SNM xarun u ahayd magaalada Balli Gubadle oo sidoo kale hoy u hayad madaxda SNM, waxaa kale oo magaalada ku taallay idaacadii SNM , Cisbitaal dhaawaca SNM la dhigi jiray iyo waliba dadweyne badan oo magaalada degenaa.
Ciidamada SNM waxay ku filiqsanaayeen deegaamo tiro badan oo dul kulaalayay magaalooyinka waaweyn, manay jirin ciidan gaar ah ama ciidan xoog leh oo dhex degenaa Balli Gubadle, marka laga reebo askar faro ku tiris ah oo madaxda iyo idaacada ilaalin jiray, waxaa Balli Gubadle difaac u ahaa ciidamada SNM ee Hargeisa iyo nawaaxiga ku teedsan degenaa, sida muuqatay marna SNM talada kumay darsan in Balli Gubadle lasoo weerari doono iyo gacanta lagu dhigi doono toona,
Guuto aan ka tirsanaa oo la odhan Koodbuur oo wareegi jirtay madaxda uu u ahaa Geesiga Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxale (Xasan ganay) waxaanu maalmahaas ku sugnayn tuulo yar oo u dhawayd meesha la yidhaa Balli Axmed oo Koonfur Bari kaga toosan magaalada Hargeysa oo aanu maalmo yar uun degenayn, laba cisho ka hor inta aan Balli Gubadle la qabsan ayaa goor subax hore ah tiro aan ka yarayn Kontan askari oo aan ku jiray nalagu amrray in aanu jidgooyo ka galo Laamida Dheer ee u dhaxaysa Hargeisa iyo Berbera soona qabano wixii gaadiid ah ee halkaas maraya, jidkaas waxaa mari jiray gaadiidka ciidamada dawladu ay lahaayeen iyo waliba baabuurta qaadka qaada mararka qaarkood.
Waxaanu Saf dheer beerka dhulka dhignay jeexjeexyo yar oo laamiga ku agyaallay, waxbadana aan ka fogayn tuulada Dhubato, qorshuhu waxa uu ahaa in hadii wax baabuur ahi ka yimaadaan Hargeisa kooxda dhinaca Hargeisa xigtaa ay dhulka isku nabto si aan loo arag oo looga taxadiro in aanay gaadiidkaasi dib u cararin, kuwa dhexda ku jirana waajibkoodu waxa uu ahaa in ay rasaasta ku furaan, kuwa xaga Bariga u xigaana ay soo kacaan oo gacanta ku dhigaan gaadiidkaas, hadii uu xagga Bari gaadiidku ka yimaadana kooxda Bariga xigtaa dhulka ayay isku nabaysay kuwa dhexduna inay bilaabaan rasaasta kuwa xaga galbeedna ay gacanta ku dhigaan.
Iyada oo aan ka mid ahaa kuwa dhinaca galbeed xiga oo beerka dhulka ku haya ayaa waxaa mar qudha dhinaca galbeed ka soo guuxay Baabuur tiro badan oo xoog u socda, markiiba dhulka ayaanu isku dhejinay si aanay noo arag oo aanay dib ugu yaacin, rasaastii ayaa is qabsatay waxaana markiiba aanu gacanta ku dhignay Gaadhi cusub oo Landcruiser ah oo afka hore ay kaga qoran tahay xuruuf waaweyn oo ahaa “Fardihii Faadumo Rasuul” gaadiidka meesha marayay waxay ahaayeen Tobaneeyo gaadhi oo hubaysan, waxaana la socday Cabdi Casiis Cali Barre oo markaas ciidamada waqooyiga ku sugnaa taliye u ahaa, nasiib darro faro cidi leh ayuu ku baxsaday, anaguna maanaan ogayn inuu jidkan soo mari doono Cabdi Casiis Cali Barre oo umaanaan sii diyaar garoobin.
Anaga oo xadrraynayna oo damaashaadayna gaadhigii Landcruiserka ahaana wadana ayaanu fadhiisinkii aanu ka duulnay ku soo noqonay anaga oo bed qabna, marka laga reebo Mujaahid Suufi la odhan jiray oo lugta uu dhaawac fududi ka soo gaadhay. Taliyahayagii Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganay) ayaa gaadhigii kaxaystay waxaana uu galabnimadii u dhaqaaqay xaga taliskii Balli Guabadle isaga oo noo sheegay inuu warbixin soo siinayo madaxdii SNM raashina uu ciidanka u soo qaadi doono. Maalintii labaad casar-liiq ay cadceedu ay godka sii galayso ayaa hal mar waxaa xeradii noogu soo galay gaadhi yar oo Toyota ah oo qori ku rakiban yahay oo ay la socdeen dhawr askari oo uu ka mid ahaa Mujaahid lagu magacaabi jiray “Siiraanyo” imikana ka tirsan ciidanka qaranka somaliland oo Hargeisa ku sugan, waxa uu nagu war galiyay in Magaaladii Balli Gubdale Gacanta ay ku dhigeen Ciidamadii dawlada oo uu hogaaminayay Janaraal Cabdi Casiis Calli Barre, waxa ay nagu noqotay naxdin aad u weyn, waxaana markiiba aanu dusha uga baxnay gaadiidkayagii waxaana aanu usoo kolanyaysanay dhinacii Balli Gubadle, intii aanu dhexda kusoo jirnay waxaanu soo ag marnay ciidamadii guutooyinka saddexaad aad, 12aad iyo Tobnaad ee SNM oo iyaguna isu diyaarinayay inay usoo dhaqaaqaan dhinaca Balli Gubadle, Guutadayada Koodbuur waxay xilgaas ahayd mid middaysan oo ka habaysan kana diyaar garow fiicnayd kuwa kale, waxaana goor danbe oo habeenimo ah aanu soo gaadhnay Magaalada Sallaxley halkaas oo aanu ku yara hakanay, waxaana goobtaas qudbad noogu akhriyay Allah ha u naxariistee Hawlgaliyihii Qaybta 31aad Mujaahid Maxamed Xuseen Qalinle oo horena u ahaan jiray taliyihii Qaybta 3aad ee SNM. Qaybta 31aad ee SNM waxaa Madax u ahaa Allah ha u naxariistee Mujaahid Haybe Cumar, Abaanduuluhuna waxa uu ahaa Mujaahid Cabdilaahi Darawal, Hawl galiyuhuna Mujaahid Qalinle. Mujaahid Qalinle waxa uu nooga warbixiyay xaalada Balli Gubadle, waxaana uu tilmaamay in ciidamo aad u xoog badan oo Taangiyo badan iyo tikniko culus wataa ay qabasadeen xaruntii Balli gubadle , waxaana uu soo jeediyay in aanu sugno qaybihii kale ee ciidamada ee aanu soo dhaafnay si aanu u noqono ciidan quwad leh oo jabin kara ciidamada cadawga ee Balli Gubadle qabsaday oo aad u xoogganaa. Isaga oo khudbadii wali wada ayaa waxaa goobtii noogu yimi Taliyahii guutadaya Xasan Ganay oo watay gaadhigii Landcruiserka ahaa ee aan maalin ka hor qabsanay oo dhinaca Kaam Barwawaqo ka soo wareegay, waxa uu taliyuhu si qiiro leh noogu sheegay in Dhaawacii, magaaladii, iyo xaruntii SNM ay caawa gacanta ku hayaan ciidamadii Dawlada Siyaad Barre, qof kasta oo naga mid ahaa waxaa ka muuqday murugo aad weyn iyada oo qof kastaa uu si hoose qalbiga uga ilmaynayay, hal mar ayaanu kor isu wada taagnay oo aanu ku qaylinay ma sugayno ciidamada soo socda ee Mujaahid Qalinle uu ku taliyay, waxaanu nidhi anaga ayaa weerarka qaadayna cidna sugi mayno, halkaas ayaa mar qudha Allaahu Akbartu yeedhay oo aanu baabuurtii dusha uga baxnay una jihaysanay dhinaca Balli Gubadle oo ay ka dhex damaashaadayeen ciimadii dawladu……………
La Soco Qaybaha danbe
Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
Kaysar@europe.com