Balli-Gubadle: Xusuusta Maalin ka Mid ah Maalmihii Qadhaadhaa (Qaybtii 2aad)

Haddii aynu halkii kasii ambo qaadno qormadii aynu kaga hadlaynay xusuusta maalin ka mid ah maalmihii qadhaadhaa ee soo maray ururkii SNM iyo taageerayaashiisii oo ahayd maalintii ciidamadii dawladu ay gacanta ku dhigeen xaruntii SNM looga talinayay ee magaalada Balli- Gubadle, waxa inoo maraysay iyada oo markii nalagu soo wargaliyay in Balli-gubadle la qabsaday aanu ka soo dhaqaaqnay fadhiisinkayagii ku meel gaadhka ahaa oo u dhawaa meesha la yidhaahdo (Balliga Axmed Liigta) oo Koonfur Bari kaga toosnaa magaalada Hargeisa, iyada oo markaas aanu soo gaadhnay xilli danbe oo habeenimo ah magaalada Sallaxley, halkaasoo qudbado ay noogu akhriyeen Allah ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xuseen Qalinle oo ahaa hawl-galiyaha  Qaybtii 31aad ee ururka SNM iyo Taliyahayagii Guutada Koodbuur Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganay) oo imika isagu Hargeysa ku sugan, sidii aynu hore u tilmaanay Mujaahid Qalinle waxa uu ku taliyay in aanu sugno ciidamo kale oo na xoojiya maadaama ciidanka Balli Gubadle qabsaday ay ahaayeen qaar aad u xooggan una qalabaysnaa, hase yeeshee Mujaahid Xasan Ganay oo qudbad qiiro leh noo akhriyay waxay sababtay inaanu diidno in ciidan kale aanu sugno waxaana aanu ku dhawaaqnay inaanu kaligayo weerarka ku qaadi doono ciidanka Balli Gubadle qabsaday, waxaana aanu markiiba dusha uga baxnay gaadiidkii aanu wadanay…

Waxaa lagu jiray jiray habeenka qaybtiisii u danbeysay waxaana guure aanu ku marnay wadada dheer ee sii dhex mara tuulada loo yaqaan Kaam-Tuug, halkaas ayuu nagaga goostay shidaalkii gaadhi B10 ahaa oo ka mid ahaa gaadiidka aanu wadanay, xaqiiqatan waxaaba uu ahaa gaadhiga kaliya ee Taangiyada naga waabin lahaa , mana jirin  wax Jiibab ah oo aanu wadanay oo aanu ku burburin karaynay kaarayaasha ay wateen ciidanka dawladu, hase yeeshee dan iyo heello kamaanu lahayn awooda naga horraysay niyadayaduna waxay ahayd mid aad u heer sarraysay, heesaha wadaniga ah, saliga nabiga iyo xataa gabayo goos-goos ah ayaanu ku sii madadaalanaynay intii aanu sii soconay, markii aanu soo gaadhnay duleedka magaalada Gubadle waagiina uu soo guduutay ayaa ciidanka qaarkii salaada ku tukadeen iyaga oo kabahooda xidhan, saalaada ka horreysa intaan xabada la ridin jabhadu waxay u taqaanay  “salaatul-madfac”

Markiiba waxaanu isku kala bixinay safaf dhaadheer oo garabka isku haya,  anaga oo hoosta kagaga soo siqnay fadhiisinkii ciidamada dawlada, xabada ayaa markiiba  dhawaaqday,  waxaana si daran-doorri ah la isu weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana markiiba aanu durkinay ciidankii dawalada oo dib ugu gurtay gudaha magaalada, hase yeeshee daqiiqado gudahood xaaladii ayaa is badashay! Ciidankii dawladuna waxay markiiba ay xagayagii u soo dhaqaajiyeen kaarayaal tiro badan oo si layaab leh noola dagaalamay, Allah ha u naxariistee mujaahid la odhan jiray Khadar Teetano oo ka mid ahaa SNMtii hore oo khibrad badnaa oo dhinacayga  taagnaa ayaa si hoose iigu yidhi Kaysarow waa kaas magaciisigii ! Hore ayaan u fahmi waayay markaas ayaan ku idhi magaciisigee? Waxa uu u jeeday waa Taangi (Kaareyaal) waxaana uu diidanaa inay maqlaan ciidanka kale, sababtoo ah ciidamada SNM oo u badnaa Gaas-Dhagoole inta badan Taangiyada may jeclaan jirin hadii aanay markaas wadan Jiibab taangiyadaas lagu toogto.

Dadweyne badan oo deegaanka Balli-Gubadle ka agdhawaa iyo waliba dadkii magaalada degenaa ee ka qaxay ayaa iyaguna dagaalka dhinacooda kaga jiray, waxaanad meel kasta ka arkaysay waraaqo tiro badan oo hawada dul heehaabaya oo u eekaa inay yihiin waraaqihii xafiisyada SNM dhex d yaalay, waxaana  olol  uu ka baxayay qaybo badan oo ka mid ah magaalada, dagaalkii ayaa xoogaystay waxaana awood nagu muquuniyay ciidamadii dawlada oo dib noo riixay, waxaana anaga oo niyad jabsan aanu dib uga soo baxnay magaaladii Balli-Gubadle, iyada oo aanu ku sugnayn xaalada ciidamada la jabiyaa ay ku marmarsoodaan ee ay ku magacaabaan “Dib u gurasho xeel dagaal” run ahaan xaqiiqdu waxay ahayd in badi ciidamada SNM ay ku socon jireen geesinimo iyo wadaniyad kaliya laakiin badanka ay ka maqnayd istiraajid iyo kala danbaynta ciidanku, waxaan shaki ku jirin hadii aanu qaadan lahayn taladii Mujaahid Qalinle oo aanu sugi lahayn ciidamadii 3aad,10aad iyo 12aad iyo waliba ciidamadii gurmadka ahaa ee ka imanayay deegaanka ku hareeraysnaa Balli-gubadle iyada oo waliba ay jireen ciidamo ku sugnaa dhinaca Galbeedka Balli-gubadle oo hadii ay dagaalka soo gali lahaayeen dhabar-jabin ku samayn lahaa ciidamada dawlada, nasiib darro may muuqan hoggaan cad oo awood u yeesha isku xidhka ciidamada SNM, waxaana guuto kasta hogaamin jiray taliyaheeda oo isagu sida uu doono ugu talin jiray, , guul labaad oo kale ayaana usoo hoyatay ciidamadii dawlada ee uu hogaaminayay Janaraal Cabdi Casiis Cali Barre kol hadii ay Balli gubadle gacanta ku qabteen, weerarkayagiina ay iska caabiyeen.

Xubno badan ayaa ciidankayagii Koodbuur dagaalkaas kaga dhintay waxaanan ka sii xasuustaa Allah ha u naxariistee Mujaahid Cabdilaahi Wadaad  la odhan jiray oo isagu salaadii subax ama salaatul-madfacdii nasii tujiyay intaanaan xabada ridin, waxaa kale oo naga dhintay Allah ha u naxariistee  Cismaan Garac nin la odhan jiray oo intii aanu jidka kusii jirnay noo qaadayay heestii Xaliimo Khaliif Magool ee ahayd ” Dhirta xididka hoosaa, dhula loogu beeree, way dhici alahaayeeen” waxaa kale oo mujaahidiinta naga dhimatay ka mid ahaa Allah ha u naxariistee nin Casay la odhan jiray oo maalmahaas ciidankayaga ku soo biiray asal ahaana ka soo jeeday Beesha bariga Burco, dhinaca kale waxaa dagaalkaas ku dhintay dad badan oo kale oo aan guutada Koodbuur ka tirsanayn oo dagaalka ka qayb qaatay waxaana ka mid ahaa Allah naxariistee Janno ha siiyee aqoonyahankii caanka ahaa ee la odhan jiray  Cali Action oo ahaa maamulihii iskuulka 1st July ee imika Jaamacada Hargeisa laga dhigay iyo waliba dad badan oo kale oo aanan haynin magacyadooda, dhamaantoodba Allah ha u naxariistee waxay ahaayeen geesiyaal naftoodii qaaliga ahayd u hibeeyay si aynu u gaadhno xorriyada macaan ee maanta aynu hadhsanayno (Fadlan faataxada u mara). Anaga oo niyad jabsan oo nala soo jabiyay ayaanu si habqan ah isaga soo dhex lugaynay beerihii qaadka ee Bali-gubadle xaga Bari kgga beegnaa,  waxaanay indhahaagu qabanayeen jabahdii oo  jajabsanaysa laamihii Qaadka ee ku yaalay beerahaas oo laga qaxay, waxaanay jeebadahooda ku guranayeen caleentii qaadka…

Casarkii ayaanu isugu soo baxnay meel dhinaca Bari kaga toosnayd Balli Gubadle, waxaana nasoo gaadhay gurmad badan oo u badnaa dadkii ku hareeraysnaa nawaaxiga Bali-Gubadle iyo xataa qaar ka yimi xeryihii qaxootiga iyo tuulooyinkii xuduudka ku teedsanaa waxaana aanu mar kare casarkii isku soo habaynay inaanu weerar kale oo rogaal celis ku qaadno Ciidankii dawlada ee Balligubadle haystay, qudbado kooban oo madaxdii ciidanku noo jeedisay ka dib waxaanu casar-liiqii mar kale usoo dhaqaaqnay dhinacii magaalada Balligubadle……………

La soco qaybaha danbe…………

Kaysar Cabdilaahi
Bristol.UK
kaysar@europe.com