BAKI ilaa BORAMA: Daawo Soo-dhawaynta Madaxweynaha iyo Geediga SAFARKA BUUR IYO BANNAAN oo caawa Tog-wajaale ku hakaday

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Silaaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan oo subaxnimadii hore ee maanta socdaal uu gobollada dalka ku marayo kaga amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalooyin ka tirsan gobollada Gabiley iyo Awdal oo uu sii maray.

Madaxweynaha waxa lagu soo dhaweeyey magaalooyinka Arabsiyo, Gabiley, Kala-baydh, Dila, Baki iyo Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama oo uu caawa u hoyday, waxaana intii uu safarka ku jiray uu mashaariic horumarineed u dhagax-dhigay deegaanno ka tirsan gobolka Awdal.

DSC_0621Safarkan oo madaxweynuhu ku mari doono gobollo dhowr ah, looguna magac-daray SAFARKII BUURTA IYO BANNAANKA, waxa ku wehelinaya Marwada koowaad, Wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo Xildhibaanno.

Intii ay ku jireen safarkooda, waxa uu madaxweynuhu magaalooyinka ka tirsan gobolka Awdal kulamo kula qaateen, Madaxda Dhaqanka iyo wax-garadka magaalooyinka Dila iyo Baki ee gobolkaas, waxaanu madaxweynuhu labadaas degmo u dhagax-dhigay mashaariic ay ka mid tahay waddo laami ah oo magaalada Baki ku xidhaysa Jidka weyn ee isku xidha gobollada Galbeedka dalka.

Madaxweynaha iyo weftiga la socdaa, waxa ay caawa fiidnimadii gaadheen  magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo la filayo inuu kulamo kula qaato madax-dhaqameedka, wax-garadka, dhalinyarada iyo haweenka magaaladaas.

Haseyeeshee, weftiga madaxweynaha ayaa cawaysinkii caawa ka guureeyey magaalada Boorama, waxaanay soo mareen Waddada ku teedsan Xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay isla caawa saqdii dhexe ku soo hoydeen magaalo-xuduudeedda Togwajaale oo weftiga madaxweynuhu caawa u hoyday.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay subaxnimada Berri ka baqoolaan Tog-wajaale, iyaga oo halkaas ka sii wadan doono safarkooda oo ay ku mari-doonaan deegaannada ku teedsan Xuduudka Itoobiya ee dhinaca Hawdka.

DAAWO SAWIRRADA