Badhasaabka Cusub Ee Togdheer Oo Balanqaaday Inuu Dhisi Doono Gurigii Somaliland Lagaga Dhawaaqay oo Dayacan

Hargeysa(SLpost)-Badhsaabka cusub ee dhawaan loo magacaabay gobalka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo, ayaa balan qaaday inuu dhisi doono aqalkii lagaga dhawaaqay Somaliland oo wakhtigan ah kharaabad dayacan.

IMG_9BB9E5-2A436B-41D473-F96DD1-0A5FA2-4226B0

Waxa uu Badhasaabku ku nuxnuxsaday in uu awood saari doono in gurigaas uu dhismo oo lagu soo hirto, waxaan isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Dadkii dibada ayaa ila soo hadlaayay oo leh meeshii lagaga dhawaaqay Somaliland halkay ku talaa aniga oo aan cidna waydiinayan ayaan balanqaadayaa inaan dhiso oo waliba lagu soo hirto, ama aan dadka wax uga ururiyo badhna jeebkayga ka bixiyo hadii aan xukuumada ka waayo xataa waan balan qaadayaa inaan halkaas dhiso, waxaan ka dhigayaa meel lagu soo hirto oo la yidhaahdo waa halkii go’aanka lagu qaatay, go’aanka jiritaanka Somaliland 18 May.”